29.9 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

DF oo shaacisay quwado iyo dowladda ka hor-tagi doona tallaabada Israa’iil

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Antalya (Caasimada Online) — Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland uu hurin karo xasillooni-darro horleh oo ka dillaacda Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, islamarkaana faragelinta Israa’iil ay halis u tahay inay soo jiidato quwado kale oo iska soo horjeeda, xitaa ay abuuri karto kooxo hubeysan oo cusub.

Isagoo ka hadlayay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya (Antalya Diplomacy Forum), Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in saameynta arrintan aysan ku ekaan doonin oo keliya khilaafka dhuleed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, balse ay ku fidi karto gobolka ballaaran, xilli ay markii horeba taagneyd xiisad juquraafi-siyaasadeed oo aad u sarraysa.

“Meel kasta oo ay Israa’iil ku lug yeelato, waxaan aragnaa jilayaal kale oo soo faragelinaya si ay uga horyimaadaan,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad. Wuxuu intaas ku daray: “Iyadoo ay geeddi-socodkan ku lug leeyihiin kooxo jabhado ah iyo Israa’iil, waxaan filayaa in gobolkani uu noqon karo masrax ay ka curtaan colaado cusub.”

Sarkaalkan ayaa si cad u yiri: “Waa arrin laga xumaado, balse waxaa dhici karta inaan dhowaan aragno kooxo hubeysan oo cusub oo ka abuurma koonfurta Jasiiradda Carabta.”

Digniintan ayaa timid xilli Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu isna madashan uga faa’iideystay inuu kaga hadlo aqoonsiga ay Israa’iil siisay gooni-isu-taagga Somaliland. Wuxuu tallaabadan ku tilmaamay mid halis ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, balse wuxuu xusay in jawaabta beesha caalamku ay si weyn u garab istaagtay dowladda Muqdisho.

“Adduunka oo dhan wuxuu muujiyay inuu garab taagan yahay Soomaaliya, waxayna si cod dheer u sheegeen in arrintani aysan dhici doonin inkastoo Israa’iil ay dalbanayso,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan. “In dalal badan ay isugu yimaadaan si ay tallaabooyinkaas uga horyimaadaan, una yiraahdaan ‘joojiya’, waa arrin aad iyo aad u muhiim ah.”

Wasiir Cali Balcad ayaa xusay in Geeska Afrika uu markii horeba u nuglaa colaado sababo la xiriira xiisado salka ku haya qaab-dhismeedka oo aan xal loo helin, oo ay ku jiraan xudduudihii laga dhaxlay xilligii gumeysiga.

Wuxuu ka digay in qalalaasaha ka socda Bariga Dhexe uu si weyn ugu soo fidayo gobolka. Wuxuu raaciyay in dagaalka ay Iiraan qaybta ka tahay iyo loollanka ballaaran ee gobolka ay cawaaqib toos ah ku leeyihiin Geeska Afrika, maadaama uu aad ugu dhow yahay Jasiiradda Carabta, isla markaana uu sii kordhayo tartanka quwadaha shisheeye ay ugu jiraan gacan-ku-heynta marinnada muhiimka ah ee isku-socodka badda.

Iyadoo xaaladdaas lagu jiro, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiir Cali Balcad ayaa labaduba bogaadiyay doorka dowladda Turkiga ee dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo diblomaasiyadda Ankara ku tilmaamay tusaale cad oo muujinaya sida quwadaha shisheeye ay gacan uga geysan karaan qaboojinta xiisadaha, beddelkii ay hurin lahaayeen.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu “si wanaagsan u socdo” tan iyo markii la saxiixay Baaqii Ankara ee 2024-kii (Ankara Declaration), kaas oo yimid kaddib dhexdhexaadin uu Turkigu hormuud ka ahaa xilli uu xumaaday xiriirka labada dal ee deriska ah. Wuxuu sidoo kale ammaanay hoggaaminta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan intii ay socdeen wada-xaajoodyadu.

Wasiir Cali Balcad ayaa dhankiisa tilmaamay in qaab-dhaqanka Turkiga uu ahaa mid gaar ah, maadaama xukuumadda Ankara ay dooratay in aysan si cad ula safan Muqdisho inkastoo ay xiriir dhow la leedahay Soomaaliya, beddelkeedna ay is-muujisay inay tahay dhexdhexaadiye daacad ah.

Wuxuu sheegay in dhex-dhexaadnimadaas ay xoojisay kalsoonidii lagu qabay Turkiga, ayna gacan ka geysatay in la abuuro jawi wada-hadal oo ka curtay gobol ay inta badan quwadaha isku hayaa ay taageeraan dhinacyo iska soo horjeeda.

Maxamed Cabdi Waare, oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Fulinta ee Urur-Goboleedka IGAD, ayaa isna bogaadiyay tallaabadaas. “Bilowgii, waxaa la filayay in Turkigu uu la safto Soomaaliya kana horyimaado Itoobiya,” ayuu yiri Waare. “Balse Turkigu wuxuu qaatay go’aan xikmad leh isagoo noqday dhex-dhexaadiye madax-bannaan, sababtoo ah xiriir wanaagsan ayuu la leeyahay labada dhinacba.”

“Isku-dheellitirkaas wuxuu ahaa mid xasaasi ah, Turkiguna wuu ku guuleystay,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

- Advertisement -

Read more

Local News