Muxuu Farmaajo ka qaban karaa Shirqoolka cusub ee Caddow Cali Gees?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaan wuxuu khilaaf xooggan soo kala dhex galay Xildhibaan Caddow Cali Gees iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib markii uu madaxweynaha ka hor imaaday qorshe uu damacsanaa Caddo oo ahaa in mar kale dib gacantiisa loogu soo celiyo maamulka Saadka ciidamada AMISOM ee uu horey uga qaaday madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud.

Caddow Cali Gees ayaa colaad weyn u qaaday madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday waana sababtii ugu weyneyd ee ku kaliftay inay isku soo taago xilka madaxweynimo ee Soomaaliya si uu cadaadis siyaasadeed u saaro Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hor istaagay ganacsigii uu ka sameyn jiray Maamulidda saadka ciidamada AMISOM.

Haddaba markii doorashada la galay Caddow Cali Gees ayaa helay codad badan wuxuuna mucaaraday Xasan Shiikh Maxamuud oo ay isku beel yihiin wuxuuna codkiisa ugu shubay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo maadaama uu Xasan u qabay cuqdadii uu ka qaaday shaqadii laga warejiyey.

Haddaba Caddow Cali Gees ayaa wuxuu Farmaajo ka filaayey arrin ka duwan middii uu Xasan ku sameeyo wuxuuna rajeenayey inuu mar kale u ogolaan doono inuu sii maamulo shaqadii uu Xasan ka joojiyey.

Balse midaas ma dhicin wuxuuna mar kale waji gabax uu kala kulmay inuu dib u helo shaqdaas waxayna midaas keentay inuu siyaasad ahaan kasoo horjeesto dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Caddow Cali Gees ayaa bilaabay qorsho cusub oo lagu curyaaminayo dowladda Farmaajo wuxuuna bilaabay howlo dib loogu dayactirayo Dakadda Macmalka ah ee Macaan isagoo doonayo inuu hoos u dhac weyn ku keeno dakadda Muqdisho.

Dowladda ayaa qarash badan ka hesho dakadda Muqdisho inkastoo 55% faa’idada kasoo baxdo ay qaadato dowladda Turkiga haddana waxaa uga soo aado 45% oo noqoneyso lacag aad u badan, balse saameyn weyn ayey ku yeelan doontaa haddii la furo dakadda Ceel Macaan oo aan sidaas Muqdisho uga fogeyn horeyna loo isticmaali jiray intii ay Dakadda Muqdisho u xirneyd Hoggaamiye kooxeedyada.

Caddow Cali Gees ayaa damacsan in qarashaadka ganacstada looga qaadayo Dakadda Macaan ay 50% ka jabnaato midda looga qaado Dakadda Muqdisho  wuxuuna arrintaas u marayaa Maamul Goboleedka Hirshabeele oo uu madaxweynaheeda dhawaan booqday Ceel Macaan si uu uga qeyb qaato furitaankeeda.

Haddii uu Caddow Cali Gees arrintaan ku guuleystay waxay caqabad iyo dhibaato ku noqon doontaa dowladda Farmaajo maadaama laga yaabo inuu hoos u dhac ku yimaado shaqada Dakadda Muqdisho oo ah isha koowaad oo ay dowladda qarashaad ka hesho.

Madaxweynaha cusub ayaa looga fadhiyaa sidii uu wajihi lahaa dhibaatada kaga soo socoto qorshaha uu maleegayo siyaasiga Caddow Cali Gees oo ah nin ganacsade hanta badan heysto waxaana la sheegay inuu kaligiis wado maalgelinta dib loogu furayo dakadda Ceel Macaan oo sharci ahaan ka tirsan maamul Goboleedka Hirshabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com