Muxuu Farmaajo ka yiri xal uu helida Soomaalida badan ee ku jirta Xabsiyada India?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran xabsiyada ku yaalla dalka India.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay dadaal badan ku bixisay sida looga dhabeyn lahaa heshiiska ay wada galeen labada dowladood ee ku aadan is dhaafsiga maxaabiista.

Waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay inaan weli laga gaabin wadahadalka lagu sii deyn lahaa maxaabiista, isagoo cod dheer ku sheegay in dhawaan ay dalka soo gaari doonaan maxaabiis badan.

Farmaajo waxa uu sheegay in dhawaan ay dowlada Somalia dib dalka ugu soo celin doonto ku dhawaad 100 Maxbuus oo sanado badan ku xiran India.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay dadaal dheeri ah ku bixisay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiistaasi oo xiligaan la kulmaya dhibaatooyin kala duwan.

Xukuumada Somalia ayaa horay u sheegtay in ay soo deyn doonto Maxaabiista loo heysto falalka Burcadbadeednimo kuwaa oo ku xiran dalka India.

Si kastaba ha ahaatee, xabsiyada dalka India ayaa waxaa ku xiran Soomaali badan oo lagu heysto falal la xiriira burcadbadeednimo, waxa uuna dalka India noqonayaa dalka ugu badan oo ay ku jiraan maxaabiis Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com