Yuusuf Garaad oo xil ka qaadistiisa kusoo xusuustay waayihii ay soo wada mareen Kaddare

Muqdisho (Caasimada Online)-Xuseen Shiikh Axmed Kaddare oo ahaa dhaqan yaqaan ayaa beri Radio Muqdisho ka sii deyn jiray Barnaamij toddobaadle ah oo ku saabsan Dhaqanka.

Kaddare AUN wuxuu ahaa hadalyaqaan, caqli u saaxiib ah.

Wuxuu ahaa nin dadaal badan oo hey’ado kala duwan si uun ugu lug leh.

Wuxuu ahaa Agaasime Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare.  Waxaa kale oo uu ka shaqeyn jiray Akademiga Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, Gobolka Banaadir-na wuxuu ka mid ahaa khubaro marka ganacsi cusub shati la siinayo hubisa magaca ay qaadanayaan in uu yahay munaasib, higgaaddiisuna ay sax tahay.

Wuxuuna ahaa arday ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Markii la qorayay far Soomaaliga, wuxuu keenay far iyo habqoraal uu Soomaaliga u dejiyay oo ka mid ah alif ba’dii iyo hababkii la qiimeeyay in iyada la qaato iyo in kale.

Kaddare, maaddaama aan Raadiyaha ka wadashaqeyno, Jaamacaddana aan wada dhiganno siddetamaadkii, yahayna nin aad iiga khibrad iyo aqoon badan, wuxuu ahaa nin aan la sheekeysto oo aan galbaha qaar kula ballamo Afarta Jardiino ama Siinaay oo uu inta u dhexeysa degganaa.  Waxaan ula kulmi jiray in aan ka kororsado taariikh, dhaqan iyo suugaan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayay Madaxda Idaacaddu u yeertay Kaddare oo ay ku wargelisay in Barnaamijkiisa Toddobaadlaha ah la joojinayo oo uu ka mid yahay dad shaqada laga fariisiyay.

Dadku marka shaqada laga joojiyo muran iyo dacwad ayay inta badan ka keeni jireen.  Kaddare sidaas oo kale ayaa laga filyay, laakiin wuu ku duwanaaday.

Wuxuu ku jawaabay: Waxaan ahay nin weyn oo ceeboobay ee iga raalli ahaada.

Maxaa dhacay ayaa la weydiiyay?

Wuxuu yiri:

waan is howlayay oo aniga oo duruufo iyo xaalad adag ku shaqeynaya ayaan haddana baaris, diyaarin iyo soo jeedin Barnaamij qiimo leh aan usbuuc kasta isku howlayay.  Waxaan moodayay in ay dhegeystayaasha iyo Madaxda idaacadduba ay ku qanacsan yihiin tayada Barnaamijkeyga.  Ayna fahmi karaan duruufta aan ku shaqeynayo.  Oo markaas ay abaal iiga hayaan.  Sidaa darteed ayaan aniguna is lahaa dhankaaga ka tiiri.

Laakiin hadalkiinna marka aan maqlay waxaa ii soo baxday in aan la igu qanacsaneyn ee la ii dulqaadanayay intii aan soo shaqeynayay.  Marka waan ceeboobay oo waxay ahayd in aan is garto in aan Barnaamijkeyga lagu qanacsaneyn ee la ii dulqaadanayo.   Markaasna aan anigu isaga tago meesha.

Raalli ka ahaada intii aad ii dulqaadateen.  Haddana in aad ii sheegteen waad ku mahadsan tihiin.

Inkasta oo ay labada mas’uuliyadood ay kala culus yihiin, haddii aan fikirka Kaddare qaato waxay noqoneysaa in aan ceeb la wadaago.  Waxaase jira asbaabo aan uga duwan ahay oo aan ugu bareeray “ceebta”.

Maanta xilligeedii ma joogo in aan faahfaahiyo, dalkana dani uguma jirto in aan sii faaqido.

W/Q: Yuusuf Garaad

Ex W/A/Dibada Somalia

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com