Farmaajo oo laga sugaayo Gaalkacyo & Wadooyinka magaalada oo kala xiran

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta la filayaa inay gaaran magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa magaalada Gaalkacyo ku wehlin doona Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada kuwaa oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku maraayay deegaanada maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo kaga bilaaban doonta booqasho uu ku maraayo degmooyin ka tirsan maamulka Galmudug.

Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa hadda ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaa oo uu kusoo gunaanadaayo booqashooyinkiisa deegaanada Puntland.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaaya mid dhulka ah, waxaana uu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Waxaa magaalada Gaalkacyo ka socda diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa, waxaana halkaa uga sii horeeyay Wasiirka arrimaha Gudaha Somalia.

Dhinaca kale, Ciidamada la dhigay waddooyinka magaalada Gaalkacyo ayaa xiray intabadan waddooyinka waaweyn iyo kuwa yaryar ee magaalada waxaana maanta hakat ku jira isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com