Farmaajo oo mar kale ku celshay hadafka ay ka leeyihiin booqashooyinkiisa dheeraaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo weli ku guda jira booqashooyinkiisa Gobolada dalka ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkiisa uu yahay Somalia oo mideysan.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay in booqashooyinkiisa ay hordhac u noqon doonaan is dhexgalka Umadda Soomaaliyeed min caasimada ilaa iyo Gobolada dalka.

Farmaajo waxa uu sheegay inay aqbaleen dhammaan soo jeedinta odayaasha ay kula kulmeen socdaalka Puntland, waxa uuna intaa raaciyay in si lamid ah ay uga talo qaadanayaan odayaasha magaalada Gaalkacyo.

‘’Qorshaheenu waa inaan sameynaa talo soo jeedin iyo talo qaadasho, waxaan ka dhameyn doonaa hadafka socdaalkeena waxaana rajeyneynaa in booqashooyinkeena ay noqon doonaan kuwo sabab u noqon doona nabadda iyo midowga umada Soomaaliyeed’’.

Waxa uu Farmaajo sheegay in xooga ay saari doonaan arrimaha ku xeeran Nabadda iyo is dhexgalka oo uu sheegay inaan la soconkarin la’aan tooda.

“Maamul Goboleedyada waxaan kala hadli doonaa xoojinta Nidaamka Fedaraalka, waxaan rumeysanahay inaanu jiri Karin nidaam dowladeed haddii aan la helin nidaam lagu wada shaqeeyo oo lagu feelo”

Farmaajo waxa uu intaa ku daray in booqashadan ay xoojin doonto Fedaraalka iyo xiriirka wanaagsan ee dowlada kala dhexeeya maamul goboleedyada taasina ay horseedi doonto dowladnimo waarta iyo isku duubni shacab oo ay kow ka yihiin Maamul goboleedyda.

Dhanka kale, Farmaajo waxaa maanta laga sugayaa inuu gaaro magaalada Gaalkacyo waxaana halkaa uga sii horeeyay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Hogaamiyaha Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com