Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulahi Maxamed (Farmaajo) oo qoraal soo saaray ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama uu kasii darayo khilaafka Muqdisho iyo Baydhaba.
Ugu horreyn Farmaajo ayaa ka digay halista ku gadaaman qorshaha dhiillada wata ee ay ku wajahday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xaaladda sii cakirmeysa ay halis ku tahay xasilloonida deegaanka, badqabka shacabka reer Koonfur Galbeed iyo dadaallada geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay weli jiraan fursado iyo xal siyaasadeed oo lagu dejin karo xaaladda cakiran haddii Dowladda Federaalka ay la timaaddo niyad wanaag iyo wadahadal dhab ah oo ay ka gasho arrimaha doorashooyinka dalka.
Farmaajo ayaa horay taageero ugu muujiyay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen isaga oo dhanka kale ka digay in dalka uu geli karo qalalaase siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah haddii aan la gaarin heshiis qaran kahor dhammaadka muddada xilka madaxweynaha talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.
“Muddada sharciga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay ku egyahay 15-ka May 2026, waxaana loo baahan yahay is-afgarad ballaaran iyo heshiis siyaasadeed si looga hortago firaaq siyaasadeed iyo mid dastuur,” ayuu horay u yiri Farmaajo.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dalka ay ka taagan yihiin xaalado siyaasadeed iyo kuwa bani’aadanimo oo is-biirsaday, isla markaana si weyn u saameeyay dadka Soomaaliyeed.

