26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Muxuu Feysal Waraabe ka yiri Heshiiska Maamulada Somaliland & Khaatumo ugu soo dhamaaday Jabouti

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Heshiiska maamulada Somaliland iyo Khaatumo ugu soo dhamaaday dalka Jabouti.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga heshiiyo dhammaan waxyaabaha muranka ka dhex dhalinkara labada dhinac.

Feysal Cali waxa uu sheegay in wadahadalka labada maamul uu ahaa mid kusoo dhamaaday wanaag, waxa uuna meesha ka saaray inay jiraan qodobo leysku fahmi waayay.

Waxa uu sheegay inay hada wadaan howlo yar yar oo lagu dhameystirayo heshiiska, waxa uuna shaaca ka qaaday in Heshiiska lagu kala saxiixday dhowr qodob.

Maamulada Somaliland iyo Khaatuma ayuu sheegay in ay yihiin dhinacyo aan kala maar meyn, loona baahan yahay in la adkeeyo Heshiiska.

Waxaan la garaneynin waxa uu Heshiiskaani kaga duwan yahay Heshiisyadii hore ay ula gali jireen Khaatumo.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News