Muxuu hadalkii Muuse Biixi u dhimi karaa qorshihii uu damacsanaa Abiy Axmed?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay meesha ka saaray safar la sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu la socdo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, uu doonayey inuu ku tago Hargeysa.

“Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya Somaliland, horta waa hadal heyn, laakin hadal heyntaaba xun, madaxweynaha Soomaaliya ma imanayo Hargeysa, maya maya,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda hadda ka jirta Soomaaliya ay tahay “tii ugu cadaawadda badneyd dhinaca Somaliland”.

Prof. Ibraahim Bursaliid ayaa ka hadlaya waxa uu hadalkan u dhimayo isku dayga uu Dr Abiy Axmed ku doonayo in labada dhinac la isku soo dhaweeyo.

“Hadalkan Muuse Biixi uu sheegay wuxuu markhaati u yahay in wadahadallada ay curdan ahaayeen oo aan xitaa ceyriin gaarin. Laakiin waxaa la rabay in wadahadallada lasoo gaarsiiyo siyaasad, oo hoos laga soo billaabo. Marka waa la dadajinayaa waxaadna mooddaa wadahadallo la rabo in la iskula daarto,” ayuu yiri Bursaliid oo la hadlay BBC.

Tan iyo markii uu xilka madaxweynaha qabtay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa hakad ku jiray wadaxaajoodyadii u dhaxeeyay guddiyada ka kala socday Soomaaliya iyo Somaliland.

Inkastoo madaxweynaha Dowladda Federaalka uu soo magacaabay guddiga u qaabilsan wadahadallada, haddana waxaa jiray ismari waa ku aaddan halka laga sii ambaqaadayo howsha.

Somaliland ayaa dhankeeda shuruud ka dhigtay in haddii miiska la isugu imaanayo ay wadaxaajoodyadu kasii socdaan halkii ay marayeen markii ay jirtay dowladdii ka horreysay Farmaajo.