Cadaado (Caasimadda Onlin) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmududg Cabdiweli Gaas iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday Magaalada Cadaado ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Galmudug.
Cabdiweli Gaas oo u tagay Cadaado inuu ka qeyb galo xafladda caleema saarka Madaxwene Xaaf ayaa kulan khaas ah la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxayna ka wada hadleyn qaabka ugu fudud ee xal loogu heli karo colaada waqtiga dheer ka taagan Magaalada Gaalkacyo oo ay kawada arrimiyaan labada Maamul.
Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay inay si wada jir ah uga qeyb qaataan xal u helida colaada Gaalkacyo ee dhowr mar soo noq noqotay.
Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Xaaf ayaa si wada jir ah u sheegay inay sameynayaan ciidan isku dhaf ah oo ka shaqeynaya nabadgalyada magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale waxay isla garteen inay labadooda maamul ay ka shaqeynayaan deris wanaaga iyo sidii reer Gaalkacyo ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.
Haddaba dadka aadka ugu dhuun u duleelo colaada Magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay waxa heshiiska labada Mas’uul ka badali karto.
Waxay saadaaliyeen in Labada Mas’uul ay horumar iyo heshiis taariikhi ah ka gaari karaa Magaalada Gaakacyo iyadoo loo sababeeyey arrimaha soo socdo:
1) Xaaf oo ah Mas’uul da’ ah isla markaasna soo joogay waqtiyadii dhibaatada Soomaaliya, haddana diyaar u ah inuu sumcad ka dhex abuurta dadka Reer Galmudug iyo Puntland.
2) Colaada Gaalkacyo oo waqti dheer qaadatay iyo labada shacab oo u bislaaday Nabadda.
3) Go’aanka Madaxweyne Farmaajo iyo ballan qaadkiisa oo ahaa inuu xal waara ka keeni doono Gaalkacyo.
Waxaana la filayaa in dhawaan labada Mas’uul ay isugu imaadaan Magaalada Gaalkacyo oo ah meesha ay ka taagan tahay colaada si loo baabi’iyo xeen daabka Magaalada Saaran.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]