Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Ceydiid Ilka Xanaf gudoomiyihii maxkamada sare ee dalka xilka laga qaaday ayaa waxaa madaxtooyada Villa Soomaaliya ay gashay xaalad kale maadaama murun badan uu ka yimid dhanka Ilka Xanaf.
Hadalo uu warbaahinta siiyay Ceydiid Ilka Xanaf kadib kulan uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay inuusan raali ka aheyn xil ka qaadista lagu sameeyay, balse uu qancay markii la kulmay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.
Wararka aan ka heleyno Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheikh uu balanqaad u sameeyay Ceydiid Ilka Xanaf, taasi oo keentay inuu shaaciyo inuu ku qanacsan yahay xil ka qaadista lagu sameeyay.
“Arrin aniga ila xiriirta dalka qalalaase u gali maayo wax xaaraam ahna xalaaleyn maayo, aniga muddo ayaan dalka kasoo shaqeynayay, xildhibaan baan noqday, wasiir baan noqday ilaa ra’iisul wasaare ku xigeen baan noqday, waan jecalahay inaan halkeyga kasii shaqeeyo”ayuu yiri Ceydiid Ilka Xanaf.
Sida xogo aan ku heleyno Ceydiid Ilka Xanaf ayaa loo balan qaaday in gudoomiye looga dhigayo aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo dhismihiisa dhawaan uu bilaaban doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

