Muxuu Jawaari ka yiri colaada ka aloosan gobolka Shabeellaha dhexe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa ka hadlay Colaada ka aloosan deegaano hoostaga Gobolka Shabeellaha dhexe.

Jawaari ayaa sheegay inuu aad uga danqanaayo dhiiga Shacabka Soomaaliyeed ee ku daadanaaya deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.

Jawaari waxa uu sheegay in marxalada lagu jire ee abaarta iyo xaaladaha kale ee dalka inaysan ku habooneyn dagaal beeleedyo inay dhacaan, asagoo marka ku baaqay dagaallada si dhaqso ah in loo joojiyo.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Waa in si deg deg ah loo joojiya dagaallada,waa wax laga xishoodo oo laga xumaado waqtigan la joojo beelo inay ku dagaallaman dalka”

Jawaari ayaa sheegay in Dowladu ay faragalin ku sameyn doonto dagaalka haddii uu yiri aan dagaalka laga dul deyn shacabka.

Sidoo kale, Maamulka gobollada ee Hirshabeelle iyo odayaasha deegaanka ayuu ugu baaqay inay ka hortagaan dagaallo mar kale dhaca,wuxuuna usoo jeediyay si dhaqso ah in waan waan laga dhex bilaabo beelaha ku dagaallamaya gobolka.

Haddalka Jawaari ayaa kusoo beegmaya xili deegaano dhowr ah oo ku yaala Gobolkaasi ay ka socdaan dagaalo xoogan oo dhiigbadan uu ku daatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com