Xog: Arrin yaab badan oo sababtay in ganacsatada ka qeyb qaadan waayaan gurmadka abaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo hadal hayaa sababta qasabtay in ganacsada Soomaaliyeed sanadkaan si weyn aysan kaga qeyb qaadan abaaraha ka jira gobolada dalka Soomaaliya oo gaartay in xoolaha ay is cunaan.

Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku mideysan Rugta Ganacsiga ayaa sheegay in khilaaf ka dhaxeeya ganacsatada Soomaaliyeed uu sababay in loo gurman waayo dadka abaarta ay saameysay, waxayna taasi noqotay arin cajiib ah oo lala yaabo.

Marar badan waxaa gubtay hanti ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, waxaana ugu darnaa labadii dab ee ka kacay Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad.

Afhayeen u hadlay rugta ganacsiga ayaa sheegay in madaxda ugu sareyso rugta ganacsiga ay khilaaf ka dhex abuureen ganacsada Soomaaliyeed taasi oo dhalisay in loo gurman waayo shacabka Dhibaateysan.

Afhayeenka wuxuu sheegay inay jireen dhaqaalo laga aruurin jiray ganacsada oo lagu taageeri jiray dadka tabaaleysan balse lacagahaasi uu joojiyay guddoomiyaha rugta ganacsiga sida uu afhayeenka sheegay.

Ganacsada Soomaaliyed ayaanan la ogeyn waxa uu khilaafkooda ku saleysan yahay, waxaana arintaan ay noqoneysaa arin aan horey looga baran ganacsada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com