“Boorsadeyda iyadoo bad qabta ayaan baabuurkii kala soo baxay” (Dhacdo yaab leh)

Todobaadkii ina soo dhaafay ayaan gaari BL- ah kan shacabka ay isicmaalaan ayaan kuraasta danbe kasoo raacay anoo degdegsan, waxaana waday Boorso ay igu jireen ducumenti muhiim ah, laptop, Camera Digital CANNON Modern ah.

Bini’aadamka waa iska daciif oo maskaxda hadeey mashquulsan tahay arimo badan aad ka fakareyso waxaa dhici karta in aad si kedis ah aad wax ku illowdo, Boorsadiii aan watay waxaa dhacday inaan kaga tagay baabuurkii qeybta danbe,

Meeshii aan rabay markaan gaaray oo aan gaarigiina ka dagay ayaan soo xusuustay inaan gaariga kaga soo tagay boorsadii, runtii si aad ah ayaan u naxay waxaana ka walwalay dukumiintiyadii amaanada igu ahaa ee aan waday oo aan kasoo tagay waxayna ila noqotay masuuliyad daro maadaama allaab muhiim ay aheyd lagana yaabo in si kale la iiga shakiyo.

Daqiiqado gudahood ayaan fakrado kala duwan igu soo dhacday anoon weli ogeysiin cidna, waxaan ku fakaray inaan idaacadaha Muqdisho ka baafiyo allaabta oo abaalmarin qaali ah u balan qaado qofkii keeno, hadana waxaan ku fakaray inaan baabuurkii raadiyo, waxaan kaloo ku fakaray inaan Gaari kale qaato si aan ugu dabo tago gaariga boosteejadda uu ku egyahay…..!!?

Hadana waxaa igu soo dhacday hadaan baafiyo ineey waqti dheer igu qaadaneyso, waxaa iisoo baxday inaan Bajaaj qaato oo aan raadiyo, gaarigii, daqiiqado fara badan ayaa kasoo wareegatay baabuurtii waa badan yihiin oo lama kala garan karo si aad ah ayaan isugu buuqay walwalkii waa iiga sii daray cadceedda aad beey u kulushahay, haraad & gaajo midna ma dareemo waxaa ii cad oo kaliya borsadaas cid iga sheekeysa ama fakrad isiisa.

Illaahay Amarkiisa ninkii bajaajka oo saacado halba meel aan u wareejinaayay ayaa igu yiri ninyahow sidaan talo kuuma ahane waxaan ku weydiiyay kirishboyga ma aqoonsan kartaa walbo, waxan ku iri hadaan arko, waxaa afkiisa ka soo baxday hadana oo aniga iga maqnaa lacag shilin Soomaali miyaad siisay mise waa u tuurtay, waxaan iri waan u tuuray, hadaad u tuurtay inbox mobileka ka fiiri numberkooda ee wac.

Taladaas waxay ahayd mid wax weyn ii tartay oo aniga maankeyga aan kusoo dhicin,waxaan ka codsaday Bajaajlaha inuu meel hoos ah na istaajiyo oo aan raadiyo numberka. Nasiib wanaag Numberkii waan hellay waana aqoonsaday kadibna wacay, waxaan isku sheegay inaan ahay rakaab u saarnaa oo alaab kaga tagay gaariga qeybta danbe.

Intaas markii aan iri isagana waa i aqoonsaday darawlkii kadibna su’aasha ii xigtay waxay ahayd boorsadeyda aan gadaal kaga tagay… intii aan hadal u dhameyn isaga ayaaba igula soo booday ninyahow maanta shaqo la’aan baad nagu riday gaariga wax isoo raaco maleh anigana waan iska baakimay boorsda ayaa cid walba y ka baqeynaysaa qarax ayaa loo maleeynayaa,,,ee walaaloow hada igu imow isgoysga Siinaay geedka weyn..

Intaas markii uu yiri neef ayaa iga soo fokhday waxaana durba u cararay halkii uu ii tilmaamay, waana soo hellay, laakiin arinta iigu darneeyd waxay ahayd gaariga kaligisa oo meel cidla yaalo dadkii dhan ay leeyhiin gaarigaan waxaa looga tagay boors wax ka buuxaan lama yaqaano waxa ay yihiin…. IWM.

Markii ay aniga i arkeen wey farxeen iyagana markii aan soo baxsaday oo aan hubiyay ineey iyada tahay marna waan ilmeeyay marna waan naxay..

Hada koley illaahay waa u furtay laakiin wax yaabo badan ayaan ku fakaray waxaana igu soo dhacay marxalada aan ku jirno haatan iyo sidauu xaal noqday.

W/D: Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)
Email: asaddhayow@gmail.com