Fallanqeyn: Muqdishoy weerarada kuu gaarka ah, yaa maqaam kaga dhigay?

Akhriste waxaad ila wadaagtaa qormadaan oo si dareen wadaniyadeed aan uga diyaariyay Muqdisho, oo ah magaala madaxdii umadda Soomaaliyeed, marxaladaha ay la kulanto inta badan.

Magaalada Muqdisho waxay ka kooban tahay 17 degmo, waana magaalo ay ku nool yihiin in ka badan saddex malyan oo qof.

Dowladdii Dhexe ka dib waxay Muqdisho soo martay xaalado kala duwan iyo horumaro aan la qiyaasi karin, iyadoo ay hareer socdaan marka horumarka muuqdo laga soo tago dilal qorshaysan iyo qaaraxyo aad mooddo in Muqdisho maqaam looga dhigay.

Caasimadda ayaa leh maamul dowladda hoose, taas oo hadana aanan haysan cudud awoodeed oo si gaara nabadgelyada gobolka uu ku suggo, taasoo muddo badan aan marqaatiyo ka wada ahayn.

Marka aan qiimayno horumarada ay Muqdisho gaartay ayaa ah heerkii ugu wanaagsanaa xagga dib u dhiska magaalada, oo cid kastaa ay maanta qirsan tahay.

Qaraxyada iyo dilalka ayay Muqdisho sanadihii dambe ka cabanaysay, tiiyoo ay u dheer tahay in loo diido yeelashada maqaam lamid ah kuwa gobolada kale ee dalka.

Gawaari halka ay naga soo galaan aan war laga hayn ayaa la dhigaa meelaha bulshadu u badan tahay, iyadoo aan la kala soocayn shaqaale dowladeed iyo shacab aan waxba galabsan.

Dilalka qorshaysan ayaa dhaca iyadoo badanaana aan la helin gacan ku dhiiglaha falka gaysta.

Tacsiyada iyo cambaaraynta waxa ay noo ahayd sanadihii tagay mid aad mooddo in qormadeeda horey loosii diyaariyay, maadama daqiiqadiiba barraha bulshadu si is daba joog ahi loogu soo baahiyo.

Muqdisho ayaa ah caasimadda Soomaaliya oo federaal ah, dastuur ahaanna iyada uun laga reebay xuquuqdeedii.

Madaxda qaranka kuwii hore iyo kuwa hadda joogaba, laguna daray dowlad goboleedyada, ayaad mooddaa in ay qanaaca ku yihiin xuquuq duudsiiinta iyo cambaaraynta afka uun ku kooban.

Bulshada Muqdisho inta isticmaasha barraha Internet-yada ayaa iyagana caan ku ahaa soo bandhigidda dhibka ka dhaca Caasimadda mararka qaar, xilli aysan u badnayn in ay soo bandhigaan horumarka ay magaaladu ku tallaabsatay.

Hadaba waxaa iga su’aal ah weerarada u gaarka ah Muqdisho, yaa maqaam uga dhigay?

WQ: Hassan Abdikadir Mudey