27.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Muxuu ka dhigan yahay qodobka uu Gen. Cirfiid ku xalaaleynayo dhiiga militeriga hubka wata?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Taliska Ciidanka Xoogga Somalia ayaa soo saaray amaro culus oo la xiriira shaqsiyaadka ku labista Direyska Ciidanka ee aan ka tirsaneen Ciidanka Xoogga dalka Somaliyed.

Taliyaha Ciiidanka Xoogga dalka Soomaliya General Maxamed Axmed Jimacaale, ayaa sheegay in kaalinta ciidamada Militeriga ay ka dhexmuuqan doonto howlaha ka socda magaalada Muqdisho.

Waxa uuna iska fogeeyay inuu mas’uul ka noqdo Askari dhagaha ka fureystay amarada kasoo baxay kulanka Hay’adaha amniga.

Gen.Cirfiid ayaa digniin adag u diray Mas’uuliyiinta ay ilaalada u yihiin Ragga ku labisan Direyska Ciidanka Xoogga ee aan ka tirsaneen Ciidamada.

Gen. Cirfiid wuxuu ku goodiyey in tallaabo adag laga qaadi doono cidii lagu arko darees aan sharci u aheyn.

Wuxuuna sidoo kale ka digay Taliye Cirfiid in Gaadiidka Ciidanka Xoogga dalka lagu arko Wadooyinka Magaalada Muqdisho iyaga oo aan haysan Ruqsad.

Waxa uu sheegay inaanu mas’uul ka noqon doonin wixii ku dhaca Askarigii aan ka tirsaneyn Xasilinta magaalada Muqdisho ee Hubka isku dhajiya.

”Askarigii Militery ah wataa qori ee lagu qabto howlgalka waxaan uga digayaa inuu isku dhajiyo Hubka, haddii ay dhacdo in loo dilo madaxa adeegiisa isaga ayaa mas’uuliyada qaadi doona”

Gen.Cirfiid, waxa uu sheegay inuu banaan yahay dhiiga Askarigii isku dhajiya qoriga, waxa ayna tani suuragalinkartaa in ciidamada ay wada galaan dagaal ama dil aano ah.

Amarka lagu fududeeyay dilka Askarigii isku dhajiya Hubka ayaa waxa uu soo dadajin karaa in dalka uu dib u galo xaalad aano khabiil iyo ciidamada Hub ka dhigista oo ugaarsada kuwa kale.

Haddalka Gen.Cirfiid, ayaa ka dhigan mid lagu sahlaayo kala sareysiinta ciidamada Militeriga iyo in la toogan karo xiliyada qaar, taa oo shaki galin doonta xaqiiqda jirta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News