Muxuu Kheyre ka yiri Musuqa lagu hayo Mushaaraadka Ciidamada Dowlada

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay Mushaaraadka ay Ciidamada ku leeyihiin DFS.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in Ciidamada DFS ay u baahan yihiin Xuquuq gaara, si buu yiri ay ugu halgamaan Qaranka.

Waxa uu Kheyre sheegay in Ciidamada Dowlada ay heli doonaan xuquuq dhameystiran oo joogta ah, waxa uuna shaaca ka qaaday in xuquuqdooda aysan gali doonin muran.

Kheyre ayaa sheegay in dowlada ay qaadi doonto talaabooyin si deg deg ah loogu bixinaayo Mushaaraadka Ciidamada xoogga dalka iyo sidoo kale Shaqaalaha dowladda.

Waxa uu Kheyre intaa ku daray inay dhamaaden Musuq-maasuqa lagu xalaaleysan jiray Xuquuqda Ciidamada iyo Shaqaalaha, waxa uuna ballanqaaday in Ciidamada DF ay ka dhaqi doonaan dhibaatadii ay horay ula kulmi jireen.

Sidoo kale, Ra’isal wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in la illaaliyo ammaanada shacabka, si buu yiri loo helo kalsoonida shacabka iyo beesha caalamkaba.

Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili maanta magaalada Muqdisho ay ka bilaabatay xil wareejinta Wasiiradii hore iyo kuwa cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com