25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Muxuu ku saabsanaa dhambaalka uu Farmaajo u diray Mohamed Bin Salmaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaal u diray Dhaxal sugaha cusub ee Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan.

Madaxweynaha Somalia ayaa dhaxal sugaha ugu hambalyeeyay rajada muuqata, waxa uuna ugu baaqay ka faa’iideysiga fursada hortaal.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay ku amaanan tahay sida habsamida leh ee wakhti fog looga sii shaqeynaayo cida maamuli laheyd dalka.

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis ayaa wiilkiisa u magacaabay inuu noqdo dhaxal sugaha, waxa uuna booskaasi ka saaray wiil uu adeer u ahaa oo ahaa Dhaxal sugaha.

Dhinaca kale, Maxamed Bin Salmaan ayaa horay u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ahna dhaxal sugaha labaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News