Muxuu ku saleysan yahay mooshinka ay maanta ka doodayaan xildhibaanada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa in maanta ay ka doodan Mooshin la sheegay in dhexdooda uu muran badan ka abuuray.

Mooshinka ay Xildhibaanada ka doodayaan ayaa ku saabsan joojinta soo dhoofinta badeecooyinka laga heli karo.

Mooshinka ayaa looga soo horjeeda in dalka loo soo dhoofiyo badeecooyinka laga heli karo isla dalka, waxaana suuragal ah in Mooshinka lagu mamnuuco waxyaabaha loo soo dhoofiyo dalka ee aan xiligaani loo baahneyn.

Mooshinka ayaa waxaa saxiixay Xildhibaano cadadooda lagu sheegay 53 Xildhibaan, waxaana hogaaminaya oo soo diyaariyay Mooshinka Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah Guddiga Beeraha, Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan ka tirsan Mooshin keenayaasha ayaa sheegay in Mooshinka uu ku qornaa in badeecooyinka Somalia ay soo saarto deeq ahaan in dalka loo keeno ama dhinaca ganacsi ahaan, taasi oo niyad jab xoogan ku abuureysa ganacsatada.

Mooshinka ayaa Ganacsatada u sahlaaya in si fudud ay suuq wanaagsan ugu helaan Ganacsigooda ku saleysan badeecooyinka laga helo dalka.

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in dhinac ay u ridaan Mooshinka ku saleysan badeecooyinka maadaama uu gaaray xiligii laga doodi lahaa.

Geesta kale, waxaa si heer sare ah loo adkeeyay amniga wadooyinka gala xarunta Golaha shacabka, halkaasi oo xilli hore laga mamnuucay isticmaalka gaadiidka rayidka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com