Muxuu maamulka Xamar uga meer meerayaa rabitaanka canshuur bixiyayaasha?

Federalka  dalka  Somaliya  ka  hanaqaday  waxa ka fa’iidestay gobalada qarkood  qarna ilaa iyo hadda waa ku dulmanyihiin, Gobalka Banadir ayaa ka mid ah, waxana ku nool  dad ka badan 35% shacabka Somaliyed  wayana  ku dulmanyihiin Federalka.

Dowladihii dalka soo maray iyo tan hadda shaqeysa amarada  ka soo baxo ma gaaraan  degmada afgooye iyo dagmada  Balcad toona,  waayo  dagmooyinkaas waxay  leeyihiin madaxwaynayaal, Gole wasiiro iyo gole barlamaan oo ka madax banana kan Muqdisha ka taliyo,  Sidaas darted uma baahno in ay ka amar ka qaataan Madaxdaan  faraha badan  eek u uruursan  Magalada  Muqdisho  kaliya  iyado  oo  aneyn jirin meelkale oo amarka ay soo saaraan ka hirgalo, Miyeyna  ahayn  mamul gobaled?

Madaxwayneha  Federalkaka  marka uu booqanaayo dalka Kenya ama  ithopia  waa in uu ogeeysiyaa Madaxwaynayasha  dalalkaas  sidoo kale hadii uu booqanaayo dekada kismaayo ama dekadda Boosaaso waa in uu ogeysiiyaa  Madaxwanayasha  Dekasahas  ka taliyan,  hadaba Dowlada uu hogaamiyo Mdaxwayne Farmajo miyeeysan ahayn Mamul-gabaleed ka taliyo Gobalka Banaarir kaliya? .

Ilaa  iyo hadda ma jiro wax sharci  ah  oo  sidaas u sii buuran oo kala xakamenayo awoodaha is dhextaala ee  madaxwaynayashan,  wasiiradan  iyo  xildhibaanadaan  faraha badan ee gaarayo kumananka ee kala qaybsaday dalkii Somaliya ee kooxwalba meel ka soo jeesatay.

Sida muuqata  wasiirka    Dastuuka  iyo  Gudiga  dib-u-eegista  Dastuuka waxay ku mashquulsanyihiin oo kaliya sidii  Gobalka Banadir  looga  dhignaa  meel  Somali wada leedahay  ayadoo  shaki  la gelinaayo jiritaanka  Shacabka  Somaliyeed ee meesha loogu yimid oo lawada garanayo

Runtii burburkii dheera ee ragadiyey  dalkena Somaliyed wuxuu ka bilowday Cadalad Xumo ka jirtay wadanka Somaliya  guud  ahaan wayo cadalada layskuma laayo ee waxaa laysku dilaa cadaalaxumidda  ilaa iyo hadana ma muuqato  Cadaalad  lagu  gaari karo   sinaan umada  somaliyeed  oo  dalkii  waaba la sii kala qaybiyey waxana tani ka fa’iideysan  gumeystaha  mudada dheer  doonayey  in  Somaliya  laga   tirtiro khariirada  aduunka taasi oo ku iman karto  nidamka qayby oo xukun.

Runta  waxay    tahay  hadii madaxda  Somaliyeed  ee  ku uruursan  Magalada  Muqdisho ee  Gobalka  Banadir ay Xuquuqdooda  Matalaada  Canshuur bixiyash  Gobalkasi meermeeriyaan   Gobalada kalena u shuqfal dalooliyaan waxay  inoo  horseedi kartaa in  dib logu noqdo marxadii  1991kii.

Wayo, maxay tahay sababta keentay in lagu xaqiro  canshuur  bixiyasha  Gobalka  Banadir  awood-qaysiga  (powershering) federalismka?.

Fikrad shaqsiyeedka  ku  qoran  qabya qoralka  oo lagu hor istaagayo xuquuqda matalada shcabka bixiya mushaarkooda  ma  ahan  wax  laysla  ogolaaday ilaa iyo hada waxay u khaas tahay shaqsigii qoray laguma  dhaqi  karo canshur  bixiyaasha  Gobalka Banadir wax aney waxaba ka ogayn una  codaynin.

Si  looga  badbaado  arinka  kor  ku  xusan  waa  in  laysqiimeeyaa  deegan walibana deeganka kale ixtiraamaa Gobal waliba  Xaqiisa  la  helaa, “Canshuur  bixiyaasha  Gobalka  Banadir  waxy doonayaan mamul u gaar ah oo ay kula shaqeeyaan  dowlada  federalka   ah  ee  Somaliyaa si  ay federalka uga qaybgalaan, una helaan matalaada ay xaqa u leeyihiin,  hadaba  wa in aan la hor istaagin rabitaanka canshur Bixiyaash  Gobalka  Banadir,  dowladana  ay  noqotaa  mid  matisha  wadanka oo dhan si cagta loo saaro wadadii lagu gaari lahaa Midnima Somaliyeed.

Wa nasiib  daro  wayn   hadii  madaxwayne  kasta  ee ladoorto  aragtidiisa (vision)  noqoto mid ku salaysan waqti xadidan (short term period) tas oo ay  macquul  tahay  in ay dhaliso dalka somaliya oo ku dhamado  gacmaha  Gumaysiga cusub  e caddaan iyo madow leh, deris iyo fogaan bal eh.

W/Q: Dr. Hussein Ali Nuur
abcalinuur@hotmail.com