Muxuu MACRON ka yiri dharbaaxadii lagu dhuftay?

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa hoos u dhigay muhiimadda kuna qeexay “mid kali ah” dhacdadii shalay ka dhacday gobolka Drome ee dalkaas, halkaasi oo qof shacab ah uu wejiga dharbaaxo kaga dhuftay.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada iyo taleefishinka BFM ayaa muujiyey Macron oo kusoo dhowaanaya meel ay taagan yihiin dad kadibna salaamaya nin ka mid ah, hase yeeshee kaasi oo salaanta beddlekeeda dharbaaxo wejiga uga dhufanaya.

Qofka dharbaaxay Macron ayaa la maqlayey isaga oo ku qeylinaya “ha dhaco Macron.”

Wareysi uu siiyey wargeyska Dauphine Libere ayuu Macron ku adkeystay inuusan dareemin wax cabsi ah, uuna sii watay inuu dadka salaamo.

“Aad ayaan u fiicanahay. Waa inaan dhacdadan, oo aan u maleynayo inay tahay mid kali ah, aan sisaas u eegnaa,” ayuu yiri madaxweyne Macron.

Waxa uu intaas ku daray in “shaqsiyaadka aadka u rabshadaha badan” aan loo ogolaan “inay qaabeeyaan doodda dadweynaha, taasi oo aysan xaq u laheyn.”

Dharbaaxada lagu dhuftay Macron ayaa carro ka abuurtay saaxadda siyaasadda Faransiiska.

“Siyaasadda ma ahan in ay marnaba rabshad noqoto. Gardarrada afka ah, iskaba daa midda gacanta ah lama aqbali karo,” waxaa sidaas baarlamanka u sheegay ra’iisul wasaaraha Faransiiska Jean Castex.

“Beegsiga madaxweynaha waa dimqoraadiyadda oo la beegsaday,” ayuu ku daray.

Macron ayaa isaga oo ay wehlisay xaaskiiska Brigette waxa uu sii watay inuu shacabka la kulmo.

“Waxaan mar walba raadiyaa inaan xiriir la sameeyo shacabka, aniga oo ku dhowaanaya. Sida aan sheegay waan doonayaa sidaas,” ayuu yiri.

Waxa uu dhacdadaas ku qeexay “mid nacasnimo ah”, wuxuuna yiri “marka nacasnimada lagu daro rabshado, waa wax aan la aqbali karin.”

AFP + VOA