YUUSUF Garaad oo farriin u diray xubnihii laga saaray guddiyada doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka hadlay xiisada ka taagan guddiga doorashada oo dhawaan qaar kamid ah dib loogu celiyay dhinacyadii soo magacaabay, halka kuwa kale lagu waayey eedeyntii ay u jeediyeen mucaaridka.

Yuusuf Garaad ayaa dhinacyada u soo jeediyay in natiijada kasoo baxday dacwadii guddiga doorashada aysan niyad jab ku noqon, islamarkaana ay u arkaan sida danta guud ku jirto.

Sidoo kale waxa uu fariin u direy xubnihii hore ee guddiga doorashada iyo kuwa cusub ee lagu soo dari doono, musharaxiinta iyo madaxda sarre ee dowladda.

Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad

Xubnaha Guddiga doorashada laga saaray, midkii ku qanacsan in sababta looga saaray ay sax tahay iyo midka tuhunsan in lagu xadgudbay, labadaba waxaan u soo jeedinayaa in aanay niyad jab ku noqon.

U arag waxa hardamayaa in ay yihiin maroodiyaal ayagu isu muuqda oo daaqsin iyo daafaca raxantooda ku loollamaya.

Ha u macneysan in si shakhsi ah laguula diririrsan yahay.

Ka raac ujeeddada guud oo ah in sida la isku waafaqaa ay tahay sida danta guud ay ku jirto.

Ka dhigo waaya aragnimo aad wax ka barato.

Xubnaha kale ee Guddiga iyo kuwa lagu soo dari doono waxaan iyaga kula dardaarmayaa in ay xusuustaan waajibka saaran.

Qofka Guddiga kugu soo daray, midka ku faraxsan ee kugu daafacaya, kan raba in uu sallaan kaa dhigto, kuwa ku dhibsanaya amaba ku colaadinaya, kan laga yaabo in uu wax kala beddeleasho kuula diyaar yahay, intaba xusuusnow in aan midkoodna kaa dhaqi karin haddii aad caddaalad darro sameyso.

Ogow in Soomaali badani ay si dhow indhaha ugu hayso kursi iyo murashax kasta. Ogow in la qiimeyn doono sida aad u dhaqanto. Taa ka sokow, Xusuusnow in aan dadka tartamaya iyo kuwa daba taagan aan midkoodna qabriga kula geli doonin.

Muddada dhexe iyo xilliga fogba, caddaalad falka ayaa ka macaan, ka faa’iido iyo sharaf badan, ajar leh kana hurdo wanaagsan eexda iyo wax isdaba marinta.

Iska xakamee nin jecleysi oo Murashax aad caashaqday iyo dhuuni raacnimo midna yaaneey ku qaadin.

Caro iyo aargoosina ka fogow.

Godob ha gelin. Hana la noolaan dakano.

Hadda ayaad go’aan leedahay ee ka fiirso inta aadan falin.

Gacantaada ha isku cadaab geyn.