Muxuu madaxweyne Erdogan ka yiri rabshadaha Al-Aqsa?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Talaadadii sheegay inuu ku wargeliyay dhiggiisa Israel Isaac Herzog inuu aad uga xumaaday falastiiniyiinta lagu dhaawacay ama lagu dilay Daanta Galbeed iyo Masjidka Al-Aqsa inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tan iyo Jimcihii, Al Aqsa ayaa la arkayay iska horimaadyo u dhexeeya dhagax-tuurayaasha falastiiniyiinta iyo booliiska rabshadaha ee Israel, waxaana Jimcihii, ugu yaraan 152 falastiiniyiin ah ku dhaawacameen isku dhacyo ay booliska Israa’iil kula galeen gudaha dhismaha masjidka, taasoo aheyd tii ugu dambaysay ee ka dhalatay rabshado sare u qaaday cabsida laga qabo in ay dib ugu laabtaan iskahorimaad ballaaran.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Erdogan ku sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen dhacdooyinkii u dambeeyay ee ay sababeen “qaar ka mid ah kooxaha xagjirka ah ee Israa’iil iyo ciidamada ammaanka” iyagoo ku wada xiriiray khadka taleefoonka, waxaana wadahadalkan uu ku soo beegmayaa xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in caadi looga dhigo xiriirka labada dal.

“Weerarradii ay kooxaha xagjirka ah” ka geysteen Al-Aqsa maalmihii la soo dhaafay iyo rabshadaha Gaza ku faafay ayaan sidoo kale ka xumaaday” ayuu Erdogan u sheegay Herzog.

Erdogan waxa uu sheegay in uu sido kale “uu ku nuuxnuuxsaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in aan la oggolaan daandaansiga iyo hanjabaadaha ka dhanka ah maqaamka iyo cibaadada Masjidka Al-Aqsa inta lagu jiro wakhtigan xasaasiga ah.”

VOA + Reuters