Muxuu madaxweyne Muuse Biixi ka yiri wada-hadallada DF Somalia iyo Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa, isla-markaana lagu xusayey 26-ka June ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay ka gar-baxdo Somaliland, ayna iska deyso hadallada ku dhisan af-macaanida.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay madaxweynaha Soomaaliya uu xog ogaal yahay, uuna ka rajeynayo inay sii socdaan wada-hadallada labada dhinac oo marar kala duwan ka dhacay dalka dibaddiisa.

“Dowlada cusub ee ay dhisanayaan, iyo ninkaa odayga ah ee wadahadaladeena iyo aynu xog ogaal badan u tirinayno, ee madaxweynaha ah iyo hadalkaa wanaagsan ee mar walba yidhaahdaan walaalahayaga Somaliland waanu wanaajinaynaa, waar hana wanaajinine aynu kala garbaxno ayaan leeyahay,” ayuu khudbaddiisa yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in mowqifka Somaliland oo deneyso madax-bannaani uu cadyahay, balse ay rabaan kaliya in lagu kala baxo miiska wada-hadalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo ay hakad galeen wada-hadalladii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo aan horey loo dhaqaajin sanadihii lasoo dhaafay.

Si kastaba, Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii ku dhawaaqay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, walow aysan illaa iyo hadda helin wax ictiraaf ah, waxaana dhacdadii ugu dambeysay ee ka dhacday magaalada Niarobi, kadib markii uu safiirka Soomaaliya uu isaga baxay shir lagu casuumay oo uu ku arkay wakiilo ka socday Somaliland, taas oo keentay in dowladda Kenya ay raalli-gelin buuxdo arrintaasi ka siiso dowladda federaalka Soomaaliya.