Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay kulankii xildhibaanada labada Aqal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan casho ah u sameeyey xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, kaas oo ka qabsoomay xarunta Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyey xildhibaannada Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey inay mar labaad u doorteen hoggaanka ugu sarreeya dalka.

“Waan idin-kaga mahadcelinayaa in aad i doorateen, iyada oo la leeyahay qof horey loo doortay lama soo celinaayo, laakiin waxaan idin ka codsanayaa in aad i garab istaagtaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday shaqada hortaallo dowladdiisa cusub, wuxuuna ballan-qaaday inuu halka ay joogto kasii wadi doono dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaa na dilay wax walba gadaal halaga soo bilaabo iyo waa markii ugu horaysay, waxaan leennahay annaga waan ka ducaysanay waa markii ugu horaysay. Wixii soo socday ee naga horreeyay waa sidii loo qabtay. Wixii noo harsan oo la qaban waayayna waan ku guulaysanaynaa,” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale wuxuu si adag uga hadlay arrimaha soo gelista shaqada xafiisyada dowladda, isaga oo sheegay in tallaabo ay ka qaadi doonaan mas’uuliyiinta kasoo dib dhacda shaqada xafiiska, isla-markaana ay ku muteysan doonaan xilka qaadis, sida uu hadalka  u dhigay.

“Waxaa la maqli doonaa mas’uul hebel ayaa xilka looga qaaday waqtiga uu xafiiska soo xaadiri waayey. Qofkii dhowri waaye, canshuurta dadka Soomaaliyeed, isagana lama dhowri doono,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu Madaxweynuhu ka hadlay arrimaha abaaraha ka jira dalka, isaga oo markale ku celiyey baaqiisa ah in si wadajir ah loogu gurmado dadka tabaaleysan.