Muxuu noqon doonaa xukunka eedeysane SAYID CALI?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mar kale maanta fadhigii saddexaad oo noqonaya kii ugu dambeeyay ka yeeleneyso dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii oo uur lahayd Luul Cabdicasiis Maxamed.

Maxkamadda ayaa fadhigan ku shaacin doonto xukunka eedeysanaha, maadaama ay horay uga soo yeelatay laba fadhi oo hore.

Qoraal ay horay usoo saartay maxkamadda ayaa lagu muddeeyay kiiskan xasaasiga ah oo ay aad isha ugu hayaan dadka Soomaaliyeed.

“Maxkamadda iyada oo gudaneyso waajibaadka saaran ee ku xusan qodobada 75, 89 XHCS, waxa ay muddaysay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee summaddiisu tahay MGB/DCL/147/2024 maalinta arbacada ah ee taariikhud tahay 06/02/2024, saacadduna ay tahay 12:00 duhurnimo” ayaa lagu yiri qoraal horay uga kasoo baxay Maxkamada gobolka.

Sidoo kale waxaa la faray taliyaha qaybta baarista dambiya ee CID-da inuu maxkamadda horkeeno eedeysanaha, maalinta arbacada oo ah kama dambeysta maxkamaddiisa.

Maxkamadda Gobolka ayaa sidoo kale amartay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo qareennada difaacaya eedeysanaha inay soo xaadiraan maalinta la shaaciyay, si ay goobjoog uga noqdaan maxkamadda iyo ku dhawaaqista xukunka ka dhanka ah Sayid Cali.

Dhinaca kale waxaa laga war dhowrayaa go’aanka maxkamadda iyo halka ay mariso kiiska Luul Cabdicasiis Maxamed, waxaana qaar kamid ah dadweynaha ay ka yiraahdeen:

Cabdikaafi Ibraahim “Dil toogasho ah waaya saakay Siid Cali Macallin Daa;uud ee si dejiya Soomaali weyn”

Naciima Maxamed “Insha Allah qisaasti marxumad Luul insha Allah”

“Waxa uu noqon doonaa labo un midkood in ay cadaaladda shaqayso 2 in Caddaalad daro oo la iskaaga sii daayo”

Cabdiraxmaan Arkaaye “Magdhaw iyo xabsi in ka yar 10 sano”

Haboon Maxamed “Wixii allaah u qoro ayuu noqonayaa Insha allaah”

Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana maalintii la gubay kasoo wareegtay muddo bil ah, waxaana weli qoyskeeda la sugayaan ridida xukunka.