Muxuu qorsheynayey Afrika kahor inta aan xalay lagu dilin QARAX is-miidaamin ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii Radio Muqdisho weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika ayaa ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo xalay ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Jubba iyo taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Afrika ayaa qorsheynayey inuu dhowaan u baxo safar dibedda ah, si uu caafimaad iyo daweyn ugu qaado hooyadiis oo xanuunsan, sida uu sheegay Cabdiraxiim Ciise Caddow, oo ahaa agaasimaha qeybta shaqaaleynta iyo tababarada wasaaradda warfaafinta.

Cabdiraxiim ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Saaxibkey Afrika Maalmahaan wuxuu u diyaargaroobaaye safar, wuxuu dalbaday visa, asaga iyo hooyadiis si uu daawo ugu qaado dalka dibaddiisa, wuxuu soo goostay Tikid, wuxuuna qaatay warqaddii fasaxa safarka, wuxuu wareejiyay xilkii agaasinka Radiyaha.”

Waxa uu intaas ku daray “Xilliga bixitaankiisa ee aan ogayn annagu waxaa ka harsanaa saacado balse safar kale ayuu aaday caawa oo dhammaan loo wada socdo. Allaha u naxariisto Allaha u danbi dhaafo. Aamiiin.”

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof is-miidaamiyey, sida ay xaqiijiyeen booliska Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay booliska, gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha oo ka yimid dhanka Boondhere, wadada Busley ayaa waxaa halmar daaqadda gaariga ku booday oo qabsadey qofka is-qarxiyey.

Allah ha u naxariistee, waxaa isla goobta ku dhintay ku dhintay Cabdicasiis Afrika, halkan Sharmaarke iyo darawalkii gaariga uu garaay dhaawac, waxaana loo qaaday isbital, sida aan xogta ku helnay. 

Cabdicasiis Afrika ayaa hadda kahor dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidanka dowladda, wuxuuna caafimaad u aaday dalka Belgium oo uu muddo ku noolaa, wuxuuna Muqdisho kusoo laabtay dhowr sano kahor.

Afrika ayaa qaban jiray barnaamij lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab ee usoo goostay dhanka dowladda ama ay soo qabtaan ciidamada, kaasi oo xog badan ay ku bixin jireen.