Sawirro: Weriye Cabdicasiis AFRIKA oo si heer qaran ah loogu aasay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu aasay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed “Afrika” oo xalay ay Al-Shabaab ku dileen qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday.

Salaada Janaazada ayaa Marxuum Cabdicasiis Afrika lagula dukaday Masaajidka Shuhadaa ee Madaxtooyada, waxaana dukashada Janaazada ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Intaas kadib ayaa waxaa loo galbiyey qaruuraha ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga ee Magaalada Muqdisho oo lagu aasay Allaha u naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ahaa Agaasimihii Radio Muqdisho.

Sidoo kale waxaa markale lagula dukaday agagaarka Qubuuraha Isbitaalka xoogo halkaas oo ay janaasadda kula dukadeen, Qaraabo iyo asxaab u badan bahda saxaafada oo uu ka tirsanaa marxuumka.

Janeraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah Ehellada Marxuum Cabdicasiis Afrika ayaa ka sheekeeyay waxa uu ka yaqaanay, isaga oo sheegay in uu ahaa Nin howlkar ah oo Qaranka si wanaagsan ugu soo Shaqeeyay.

Sidoo kale Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay in Al-Shabaab qofkasta uu dil ugu xukuman yahay, isla markaana Al-Shabaab kaliya ay tahay in la iska celiyo haddii kale wuxuu sheegay inay dadka dhan u qarxinaaan sida Afrika oo kale.

Dhammaan Madaxdii iyo Bahda Saxaafadda ee ka qeyb galay Aaska Marxuum  Cabdicasiis Afrika ayaa waxaa ay u tacsiyadeeyeen qaraabadiisa iyo Asxaabtiisa, iyaga oo sheegay in uu ahaa mid Bulshadiisa iyo Qarankiisa sidii la rabay ugu adeegay.