Yuusuf Geelle oo si rasmi ah maanta isku sharxay kadib is-casilaaddiisii AQALKA SARE

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee heer dowlad goboleed Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ee u tartamaya shanta kursi ee uu dhowaan liiskooda guddigu soo saaray.

Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa noqday musharixii ugu horreeyey ee buuxiya shuruudaha lasoo bandhigay, isla-markaana qaatay shahadaada musharaxnimadiisa.

Musharrax Dhagey ayaa dhowan iska casilay kursigii Aqalka Sare ee horay loogu soo doortay, wuxuuna haatan isku sharxay inuu tartamo kuriga Golaha Shacabka ee HOP#026.

Caasimada Online ayaa ogaatay in is-casilaadda Yuusuf Geelle ay ugu wacneyd xiisad iyo dood dhowaanahan ka dhex jirtay beesha Duduble oo ku aadan hab qeybsiga shanta kursi oo ay ku leeyihiin baarlamanka (Afar golaha shacabka ah iyo hal aqalka sare ah.)

Jufada hoose ee uu kasoo jeedo Yuusuf Geelle ayaa isku haysatay laba kursi oo mid uu ku fadhiyey Yuusuf Geelle, halka mid kale oo ah golaha shacabka ay ku fadhiso Ikraan Aadan Absuge.

Kadib markii Yuusuf Geelle uu ku guuleystay kursiga Aqalka Sare markii labaad, ayaa waxaa dood culus ay dhex-martay beesha Duduble, waxaana lasoo jeediyey in jufada Yuusuf Geelle ay sanadkan ka tagto kursiga golaha shacabka.

Yuusuf Geelle ayaa kadib jufadiisa kala hadlay arrintan, hase yeeshee, sida aan xogta ku helnay waa ay ku gacan seereen, taasi oo keentay in Yuusuf Geelle uu isaga tago kursiga Aqalka Sare si loogu qanciyo jufooyinka kale.

Dhinaca kale, diiwaan-gelinta aya haatan sii soconeyso, iyada oo lagu wado inay xarunta guddiga tegaan xubnaha kale oo u sharraxan shanta kursi ee ay doorashadeeda qabaneyso Galmudug.

Haddii ay Galmudug guda gasho qabashada doorashada kuraastan, waxay noqon doontaa maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka, waxaana kusoo xigi doona Koonfur Galbeed oo shaacisay qabashada doorashada illaa 11 kursi.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan ah billow, waxaana labadii xubnood ugu horreysay oo ka soo baxday gobollada waqooyi lagu doortay magaalada Muqdisho.