Muxuu R/W Xamza kala hadlay Guterres? + Sawirro

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaalada New York oo uu uga qayb-galay shirka guud ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, waxayna ka wada-hadleen xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya.

Xamza iyo Antonio Guterres ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa xoghayaha guud ee QM la wadaagay guulaha ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale horay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay ugula kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Waxaa kale oo ay ka wada arrisandee sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Madaxweynaha Mareykanka kala hadlay sidii cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa.

Madaxda kale ee ay Xamza isku arkeen New York waxaa kamid ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalkooda kala dhexeeya Soomaaliya.