Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisu wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo khadka taleefoonka kula xiriiray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kala hadlay guushiisa iyo arrimo xasaasi ah.
Ugu horreyn Ra’iisul wasaare Xamza ayaa Ismaaciil Cumar Geelle ugu hambalyeeyay doorashadii ka dhacday dalkiisa 10-kii Bishaan ee uu isagu ku guulaystay, wuxuuna ku bogaadiyay sida kalsoonida leh ee Shacabkiisa markale xilka ugu aamineen
Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha aya madaxweynaha Jabuuti ee markale loo doortay ugu duceeyay inuu Eebe weyne ku asturo mas’uuliyadda muddo xilleed loo doortay, isaga oo dhan kale shacabka Jabuuti ku bogaadiyay habka nabadda iyo degganaashaha leh ee ay u doorteen madaxdooda.
Waxaa kale oo uu uga mahadceliyay doorka muuqda ee ay ka qaateen xoojinta amniga gobolka iyo taageerada ay oa garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.
Geelle ayaa markii lixaad ku guuleystay xilka madaxweynaha Jabuuti, ka dib doorasho ay qaadaceen inta badan mucaaradka, isagoo helay in ka badan 97.81% codadkii la dhiibtay, xogta rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Sabtidii ayaa muujisay.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u ololeeyay xasiloonida iyadoo ay jirto xiisadaha gobolka, gaar ahaan kuwa ku xiran colaadaha Bariga Dhexe.
Si kastaba, Geelle ayaa xukunka hayo tan iyo 1999-kii, waana madaxweynihii labaad ee dalkaasi yeesho tan iyo markii uu xornimada ka qaatay Faransiiska 1977-kii.


