29.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Faah-faahinta howlgal culus oo ka dhacay Toratorow

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa xalay saqdii dhexe fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Toratorow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday bar koontarool oo sharci-darro ah oo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Toratorow.

Ciidanka Danab ayaa gacanta kusoo dhigay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa barta koontaroolka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in howl-galka uu ahaa mid si gaar ah loo abaabulay, isla markaana lagu bartilmaameedsaday goobaha ay kooxdaasi ku dhibaateyso shacabka.

Ujeeddada howl-galka ayaa lagu sheegay burburinta goobaha ay Al-Shabaab canshuuraha sharci-darrada ah kaga qaadaan shacabka iyo gaadiidka mara waddooyinka, gaar ahaan jidka weyn ee isku xira Shabeellaha Hoose iyo gobolka Baay.

Tallaabadan ayaa si toos ah u xoojinaysa xorriyadda isu socodka, ganacsiga iyo badqabka bulshada ku nool labadaas gobol, sida uu sheegay taliska ciidanka.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, gaar ahaan cutubka “Special Danab”, ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ku aaddan sii wadidda howl-gallada qorsheysan ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni.

- Advertisement -

Read more

Local News