29.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Xogta kulamo ay Baydhaba ka wadaan Taliye Mahad Salaad iyo Asad Diyaano

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baydhabo ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa maamulka degmada iyo saraakiisha hay’adaha amniga, si loo adkeeyo sugidda amniga iyo xasilloonida guud ee magaalada iyo deegaannada ku xeeran.

Mas’uuliyiinta ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriirka u dhaxeeya maamulka degmada iyo saraakiisha amniga, si loo hubiyo sugidda nabadgelyada iyo xasilloonida guud ee Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran.

Sidoo kale, labada taliye ayaa magaalada Baydhabo kulan xog-is-weydaarsi kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan warbaahinta madaxa-bannaan iyo kuwa maxalliga ah ee Koonfur Galbeed.

Kulankaas ayaa lagu falanqeeyay doorka warbaahinta ee wacyigelinta bulshada iyo muhiimadda ay leedahay in warbaahinta iyo hay’adaha amniga ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow.

Ugu dambeyn, labada taliye ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada maamulka, warbaahinta iyo hay’adaha amniga inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda amniga iyo xasilloonida.

Si kastaba, magaalada Baydhabo ayaa haatan amnigeeda si gaar ah loogu xil-saaray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka howlgalaan hareeraha magaalada, si ay u xoojiyaan difaaca guud ee magaalada iyo deegaannada ku xeeran.

Magaalada ayaa sidoo kale lagu soo rogay bandow habeenkii ah, iyadoo la soo saaray awaamiir mamnuucaya in qof aan ciidan ahayn uu hub ku dhex qaato magaalada.

Waxaa kale oo la adkeeyay baaritaanka gaadiidka iyo dadka soo galaya ama ka baxaya Baydhabo, iyadoo la doonayo in si buuxda loo hubiyo amniga, lagana hortago wax kasta oo khatar gelin kara xasilloonida, xilli halkaasi laga qabanayo doorashooyin lagu soo dooranayo hoggaanka cusub ee maamulka.

- Advertisement -

Read more

Local News