Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batrolka Daahir Shire Maxamed ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay qodista shidaalka Soomaaliya, maadaama uu yimid markabka Turkiga ee Çağrı Bey, kaas oo shalay munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay dekedda wayn ee Muqdisho.
Daahir Shire ayaa marka hore shaaca ka qaaday goobta rasmiga ah ee laga qodayo ceelka shidaalka oo loogu magac daray Curad-1, kaas oo noqonayo ceelka labaad ee ugu wayn ee caalamka ee laga qodo biyaha hoostooda.
Wareysi uu bixiyay wasiirka ayaa waxa ku sheegay in ceelka laga qodi doono xeebta Galmudug, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaannada Mareeg iyo Xarardheere, isaga oo xusay in bariga uu masaafo ahaan aad uga fog-yahay
“Curad-1 waxaa laga qodayaa badda ku toosan Dowlad-Goboleedka Galmudug, gaar ahaan inta ku aadan Mareeg ilaa Xarardheere. Aad buu uga fog yahay barriga, waxaana u jiraa masaafo ku dhow 275 km,” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo shalay madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay maareyn hufan oo caddaalad ku dhisan, si dakhliga ka soo baxa kheyraadka shidaalka loogu beddelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale iyo xasilooni waarta.
Waxaa kale oo uu Madaxweynaha uga mahadceliyay Turkiga iskaashiga dhow ee uu la leedahay Soomaaliya, kuna ammaanay taageerada joogtada ah ee ay ka geysanayso dib u dhiska, horumarinta iyo kobcinta awoodda dhaqaale ee dalka.
Si kastaba, Hawlgalka baadhista shidaalka ee ay Turkigu ka wadaan Badda Soomaaliya ayaa qayb ka ah heshiis iskaashi oo labada dal ay horay u galeen, kaas oo diiradda saaraya sahminta iyo horumarinta khayraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.
Mashruucan ayaa sidoo kale la filayaa inuu xoojiyo awoodda Soomaaliya ee ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah, isla markaana uu albaab cusub u furo fursado dhaqaale oo ballaaran oo mustaqbalka fog wax ka beddeli kara dhaqaalaha dalka.

