28.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Wada-hadallada Iran iyo Mareykanka oo bilowday iyo qodobo culus oo miiska saaran

Bookmark
Bookmarked

Share

Islamabad (Caasimada Online) – Wada-hadallo saddex geesood ah oo u dhexeeya Mareykanka, Iiraan iyo Pakistan ayaa billowday kaddib markii la dhimay duqeymaha Israa’iil ay ka waddo koonfurta Lubnaan iyo shuruudo kale oo la buuxiyay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Iiraan ee IRNA.

Wada-xaajoodyadan ayaa dhex-maraya Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance oo Sabtida maanta gaaray magaalada Islamabad iyo mas’uuliyiinta Iiraan oo uu hoggaaminayo afhayeenka baarlamaanka, Mohammad Bagher Qalibaf kaddib horumar laga sameeyay wada-hadallo aan toos ahayn oo hore u dhacay.

Kani waa wareeggii ugu horreeyay ee wada-hadallo lagu doonayo in xabbad-joojin laba toddobaad ah oo lala galay Iiraan loogu beddelo marin nabdoon oo ay maraan maraakiibta caalamiga ah ee marinka Hormuz (Strait of Hormuz) iyo sidoo kale in lagu gaaro nabad waarta, xilli mas’uuliyiintu si furan u soo bandhigeen shuruudo iska soo horjeeda.

Vance ayaa hoggaaminaya wafdiga Mareykanka, kaas oo ay sidoo kale ka mid yihiin ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Donald Trump, Steve Witkoff iyo wiilka uu soddogga u yahay, Jared Kushner.

Ka hor inta uusan u ambabixin Pakistan, Vance ayaa uga digay Iiraan in aysan “la ciyaarin” Mareykanka, isagoo sheegay in wada-xaajoodayaasha Mareykanka aysan aqbali doonin wax uu ku tilmaamay dhagri.

Faah-faahinta wada-xaajoodyada weli si rasmi ah looma shaacin. Si kastaba, waxaa jira warar sheegaya in Iiraan ay diyaarisay qorshe ka kooban 10 qodob, kaas oo Madaxweyne Trump ku tilmaamay “asal wax ku ool ah oo laga gorgortami karo.”

Sidoo kale, waxaa jira qorshe kale oo la sheegay in Washington ay waddo oo ka kooban 15 qodob, kuwaas oo aan weli si rasmi ah loo soo bandhigin.

Qodobbada ugu muhiimsan ee ajandaha

Cunaqabateynta, marinka Hormuz, kobcinta nukliyeerka iyo weerarrada Israa’iil ay ku hayso Lubnaan ayaa ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee ku jira ajandaha wada-hadallada Islamabad.

Mareykanka ayaa dalbaday in Iiraan ay dib u furto marinka Hormuz, oo ah waddo istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku-socodka badda. Tehran ayaa si wax ku ool ah u xirtay marinkan tan iyo weerarradii dhimashada badnaa ee Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan 28-kii Febraayo, kuwaas oo horseeday dagaalkan.

Iiraan ayaa soo jeedisay in lacago canshuur ah laga qaado maraakiibta maraya marinkan, waxayna doonaysaa in si rasmi ah loo aqoonsado gacan-ku-haynteeda. Hase yeeshee, Mareykanka ayaa si cad u diiday soo jeedintaas.

Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa soo jeediyay in Mareykanka iyo Iiraan ay sameeyaan “shirkad wadajir ah” oo ka shaqeysa maamulka iyo canshuuraha marinka Hormuz. Arrintan ayaa toddobaadkan horraantiisii walaac ka abuurtay dalalka Yurub, isla markaana dhalisay falcelin diidmo ah.

“Marinka Hormuz, sida marin kasta oo baddeed, waa hanti guud oo ay wadaagaan bini’aadamka, taasoo macnaheedu yahay in isku-socodku ahaado mid xor ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Guddiga Yurub maalintii Khamiista.

Dhinaca Iiraan, wada-hadalladan ayaa la sheegay in ay guul gaari karaan oo keliya haddii xabbad-joojin laga sameeyo Lubnaan, isla markaana la sii daayo hantida xayiran ee dalkaas.

Qoraal lagu daabacay baraha bulshada, xafiiska Araghchi ayaa ku baaqay in la joojiyo weerarrada Israa’iil ee Lubnaan, isagoo xusay in Iiraan ay is-difaaci doonto haddii mar kale la soo weeraro.

Trump oo weli muujinaya guul

Dhanka kale, Sabtidii ayuu Trump si kulul ugu dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray “warbaahinta wararka been-abuurka ah,” isagoo ka soo horjeestay sheegashooyinka ah in Iiraan ay ku guuleysaneyso dagaalka.

Trump ayaa yiri: “Qof walba wuu ogyahay inay khasaarayaan, si weynna u khasaarayaan. Ciidankoodii badda wuu burburay, ciidankoodii cirka wuu burburay, nidaamkoodii difaaca hawada ma shaqeynayo, raadaarkooduna wuu burburay. Warshadahoodii gantaalaha iyo drones-ka inta badan waa la tirtiray, waxaana la socda qalabkoodii. Tan ugu muhiimsanna, hoggaamiyeyaashoodii muddada dheer nala ma joogaan — Eebbe ayaa mahad leh.”

Dagaalkan ayaa si weyn u saameeyay dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan dalalka ku hareeraysan Gacanka Faaris, wuxuuna sababay burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaalaha ee lix dal oo gobolka ah, iyadoo sidoo kale uu sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka adduunka.

Ugu yaraan 3,000 oo qof ayaa lagu dilay Iiraan, halka 1,953 qof lagu dilay Lubnaan weerarrada Israa’iil. Sidoo kale, 23 qof ayaa ku dhintay Israa’iil, halka in ka badan 10 qof ay ku dhinteen dalalka Carabta ee Gacanka weerarro kaga yimid dhanka Iiraan.

- Advertisement -

Read more

Local News