Maxaad qorshaha R/WASAARE C/WELI ee maanta kala socotaa? (Warbixin)

Marka (Caasimada Online) – War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay goordhow ka ambabixi doonaan magaalada Muqdisho iyagoona ku wajahan magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada Marka ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online, in maanta oo Arbaca ah la filaayo in ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu soo gaaro Marka.

Xog badan lagama hayo tagitaan ra’iisal wasaaraha Marka, basle waxaa wararka aannu heleyno sheegayaan in ra’iisal wasaaraha uu kulamo la qaadan doono maamulka iyo shacabka ku dhaqan magaalada isagoona u kuur gali doonna xaallada guud ee magaalada.

Warar hordhac ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay isbadal ku sameeso maamulka hadda ka jirra Kismaayo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa maalmahan safaro ku kala marayay magaalooyinka dalka, waxaana safarkii ugu dambeeyay muddo toddobaad ka badan ku joogay Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com