Xagla-toosiye oo u hanjabay GALAYR

Buuhdoole (Caasimada Online) – Wasiirka caaafimaadka maamulka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo hadda ku sugan magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer ayaa ka hadlay qorshaha uu halkaas u joogo isagoona hajabaad u jeediyay xildhibaan Cali Khaliif Galeyr.

Ugu horeyn wuxuu sheegay safarkiisa in uu ku qotomo siddii ugu kuur gali lahaa xaaladda guud ee degmada Buuhoodle oo ka tirsan deegannada uu gacanta ku haya maamulka Somaliland.

Mar uu ka hadlaayay booqashada uu Buuhoodle isna ku joogo xildhibaan Cali Khaliif Galeyr ayuu sheegay wasiir Xagla-toosiye in aan laga yeeli doonin Cali Khaliif in uu dad weynaha reer Buuhoodle ku fushado danihiisa siyaasadeed ee u gaarka ah isla-markaana Buuhoodle aanay noqonayn dhagax la isku tuur-tuuro oo cid walba danteeda ku gaarto.

Wuxuu yiri “Cali khaliif waa nin deegaanka u dhashay,magaaladiisana jooga, cid oran karta magaalada ka baxna ma jirto, laakiin ka oggolaan mayno Cali Khaliif siyaasaddii isaga dantiisa ku saabsanayd, Buuhoodle-na noqonmayso dhagax la isku taago oo uu qofku ku gaaro dantiisa, balse hooyadii baa joogta oo uu soo booqday, una malayn maayo inuu sameeyo dhaqdhaqaaq keeni kara nabadgelyo darro”

Wuxuu sheegay oo kale in magaalada uusan immaanin dagaal in uu ka dhaliye ee u yimid dadka reer Buuhoodle kuwaasoo uu sheegay in ay yihiin kuwa uu isaga u dhashay.

Xagla-toose ayaa tilmaamay in magaalada Buuhoodle ay ugu dambeesay markii uu heshiiska la gaaray madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Si kastaba, hadalka Xagla-toose ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay uu xildhibaan Cali Khaliif Galery socod ku maray waddooyinka Buuhoodle, waxaana uu weerar ku qaaday maamulka Somaliland iyo wasiir Xagla-toosiye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Buuhoodle

Caasimada@live.com