25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Muxuu Sacuudiga ka yiri dagaalka socda Soomaaliya iyo qorshaha xiga? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Riyaad (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan laba-geesood ah la qaatay dhiggiisa Sacuudiga Carabiya Amiir Cabdicasis Bin Sacuud Bin Naayif Bin Cabdicasis Aala Sacuud.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Riyaad ee caasimada Sacuudiga ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga labada wasaaradood ee ku aaddan howlaha muhiimka ah, tayeynta amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo sharci-darrada (Irregular migration).

Intii uu socday kulanka labada masuul ayaa si gaar ah diirada ugu saaray xasillinta goobaha laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, oo ah qorshaha xigga ee dagaalka iyo gaarsiinta adeegyada dowladeed, iyo sidoo kale dib-u-heshiisiinta iyo arrimo kale.

Wasiir Cabdicasis Aala Sacuud ayaa bogaadiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo hadda wejigiisa hore uu marayo heer geba-gebo ah.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Boqortooyada Sucuudiga ay garab taagan tahay dadaallada xasillinta ee Soomaaliya iyo weliba xoojinta dowladnimada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Riyaad ee caasimada dalka Sacuudiga.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana qaybo badan oo ka mid ah dalka ka socdo howl-gallo ka dhan ah kooxda, ayada oo uu dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

- Advertisement -

Read more

Local News