Somaliland ‘oo ka walaacsan’ halis kasoo korortay Badda Cas

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay xaalad amni darro oo kasoo korodhay Badda Cas.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay walaac ku abuurtay falal budhcad badeednimo oo dhawaan ka dhacay Badda Cas, iyada oo xustay in ay xoojisay amniga badeedda.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay isha ku haysaa xiisadda amni ee ka soo cusboonaatay marinka koonfureed ee badda cas iyo gacanka cadmeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Somaliland.

Somaliland ayaa sidoo kale ka dhawaajisay baahida loo qabo in si deg-deg ah loo qaado tallaabo is-kaashi oo wax lagaga qabanayo khatartan sii kordhaysa ee ka taagan Badda Cas.

“Weerarradii u danbeeyay ee lagu qaaday maraakiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiga iyo suurta-galnimada in budhcadeed halkaa ka dillaado. Somaliland oo leh xeeb dhererkeedu gaadhayo 850km, oo ay xilli walba gaadh ka hayaan ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland waxa ay qaadday tallaabooyin dardar leh oo lagaga hortagayo falalka budhcad badeedda iyo tahriibka ee ka dhici kara baddeeda.”

Sidoo kale waxay walaac uga muujisay saamaynta dhaqaale iyo bulsho ee ka iman karta dhaq-dhaqaaqyada sharci darrada ah ee ku soo kordhaya badda cas iyo suurta-galnimada ah in ay kor u kacaan qiimaha badeecadaha iyada oo ka dhalanaya kor u kac ku iman kara qiimaha caymiska maraakiibta ee gobolka.

Somaliland waxa ay markale carrabka ku adkaynaysa sida ay uga ga go’an tahay in ay xoojiso badqabka iyo amniga baddeheeda aagagga dhaqaale, iyada oo ilaalinaysa mabaadii’da iyo shuruucda caalamiga ah.

Ugu dambeyntiina waxaa lagu qoraalka Somaliland kasoo baxay, “Waxa aanu diyaar u nahay in aanu iskaashi la samaynno saaxiibbadayada gobolka si aanu wax uga qabanno caqabadaha ay wada wajahayaan dalalka gobolku ee budhcadeednimad iyo ilaalinta amniga badda cas iyo gacanka cadmeed.”