Dadka degan Muqdisho oo maraya tijaabadii u cusleyd – Maxaa hadda soo kordhay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Soomaaliya argagixisada ayaa isku dayeysa inay waxba kama jiraan kasoo qaado in ay ganacsiyadu xirtaan kaamirooyinka badqabka ka qeyb qaata ee CCTV Camera.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Soomaaliya ee la yiraahdo NISA ayaa dhawaan soo rogtay amar ay ganacsatadu banaanka ganacsiyadooda ugu sameynayaan kaamirooyin, si loo helo raad-raaca fal dambiyeedyada ka dhaca hareeraha goobahooda ganacsiga.

In badan oo kamid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa dabaqay amarkaan oo xirtay kaamirooyinka.

Argagixisada oo go’aankan uga dhex jeeda inuu lidi ku yahay dhibaatada ay la damacsan yihiin dadka reer Muqdisho ayaa ku dhaqaaqay inay beegsadaan qaar kamid ah ganacsatada xiratay kaamirooyinkan, iyaga oo goobaha qaar qaraxyo la beegsaday.

Waxay argagixisada ku leedahay dadka Muqdisho degan waxaa rabnaa in aan idin leyno haddana aan la helin wax cadeynaya dambigeena, sidaas darteed ma xiran kartaan kaamirooyinkan ka qeyb qaadanaya raad-raaca dambiga iyo dambiilaha. Micnuhu waa ma dooran kartaan in aad dhibaatada ka baxdaan.

Ganacsiyo badan ayaa weli dhag jalaq u siin isku deyga guracan ee argagixisada, laakiin arrintaan waa tijaabo culus.

Haddii argagixisada ku fashilanto inay ka hortagto xirashada kaamirooyinkan waxay noqon doonta tallaabo kale oo loo qaaday dhanka amniga caasimada.

Dowladda hadda xukunka haysa, gaar ahaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA, waxaa la gudboon in aysan ka laaban go’aankaan oo la hubo inuu caawinayo amniga reer Muqdisho iyo inay dhinaca kale keenaan aragti ay kaga hortagayaan kooxaha yaryar ee argagixisada ah ee magaalada weli ku dhuumaleysanaya ee raba inay amarkaan buriyaan.

Reer Muqdisho dhimasho iyo dhibaato uma yareen, balse waayihii dambe waxay ku jireen waayo xaalad ka wanaagsan tii hore.

Argagixisada waxay rabtaa inay halkeedii hore ku celiso magaalada xaaladda magaalada, waxaana dadka caasimada degan la gudboon inay si wadajir ah maya u yiraahdan oo ay dowladooda ku garab siyaan dhamaan fikradaha iyo awaamiirta caawinaysa ammaanka guud.

Ganacsi ku furan aqoonsi dowladeed uma bareeri karo inuu amarka dowladda tuuro oo uu midka argagixisada qaato, isaga oo u jeeda in hadafka argagixisada uu yahay mid badinaya geerida shacabka.

Xaaladdani waxay u baahan tahay isku duubnida dowladda, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka, si loo cadeeyo in la joogo bar dhamaadkii argagixisada.