Muxuu safarka Farmaajo uga dhigan yahay wakiilada Imaaraadka ee Somalia?

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu beri u safro dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu casuumad ka helay dhaxal-sugaha dalkaas Sheekh Maxamed Bin Zayed.

Safarka ayaa imanaya ayada oo uu liito xiriirka doowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, oo dalka Soomaaliya ku aas-aasay wakiilo ka shaqeeya duminta dowladda oo lacag badan qaata, olole xoogganna Muqdisho ka wada.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in socdaalka Farmaajo uu walaac ku abuuray wakiilada Imaaraadka, oo dareemaya in haddii heshiis uu dhex maro laba dowladood ay keeni doonto inay xiranto ishii dhaqaale ee bilihii ugu dambeeyey u furneyd.

Xubnaha dhaqaalaha weyn doonaa waxaa ka mid ah Shariif Sheekh Axmed, Cabdulqaadir Sheekhey, oo ah safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka, Axmed Macallin Fiqi, Abshir Bukhaari, hase yeeshee waxaa ugu weyn Cumar Cabdirashiid oo ah  madaxa wakiilada Imaaraadka ee Soomaaliya iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah ku xigeenkiisa iyo afhayeenka kooxdan u hadla.

“Arrinta ugu weyn ee Cumar iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur walaacisay ayaa ah in socdaalkan uu ku noqday lama filaan, xitaa Imaaraadka kuma uusan war-gelin” Waxaa sidaas yiri qof ku dhow Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo codsaday inaa la magacaabin.

Dhaqaalaha Imaaraadka siiyo kooxdan ayaa aad loo dareemayey malmihii dhowaa, ayada oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu qoray 50 qof oo baraha bulshada ku weerara dowladda Soomaliya, islamarkaana uu hoteelada Muqdisho toddobaad kasta ku qabto kulan loogu magac daray Dood Furan, oo ujeedkiisu yahay in lagu beddelo maskaxda shacabka, qarash badanna uu ku baxo.

Sidoo kalana wuxuu qabtay Kulamo loo qabanayey dhallinayarada Muqdisho, wuxuuna ujeedkaas ahaa in la iska hor keeno dhallinyarada iyo dowladda isla markaasna dhallinayarada la tuso muuqaal qaldan.

“Kulanka Dood Furan waxaa ku baxa lacag kumanaan dollar ah asbuuc kasta, oo qaar la siiyo hotelka marti-gelinaya, qaar la siiyo ka qeyb galayaasha, qaarna la siiyo warbaahinta sii baahisa, way adkaan doontaa inuu sii socda haddii dhaqaalaha Imaaraadka istaago” ayuu yiri il-wareedka la hadlay Caasimada Online.

Waxaa sidoo kale meesha ka bixi kara lacag malaayin dollar ah oo la rumeysan yahay in loogu talo-galay mooshin laga keeno madaxweynaha, taasi oo la qorsheeyey in lasoo bandhigo marka mucaarad badan dowladda loo abuuro, lana beddelo maskaxda shacabka.

Ka sokow dhaqaalaha istaagaya ee kooxda Imaaraadka ku howlgasho, waxaa sidoo kale meesha ka bixi kara dhaqaalaha ayaga shaqsiyan ay u qaataan, oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cumar Cabdirashiid ay yihiin labada qof ee ugu badan ee dhaqaalahaas helay.

Lama oga waxa kasoo bixi doona safarka Farmaajo ee Imaaraadka, hase yeeshee xaqiiqda jirta ayaa ah in isku soo dhowaansho kasta oo halkaas ka dhacday ay caqabad ku tahay wakiiladii horey loogu xil saaray inay dowladda ridaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com