Farmaajo oo maanta ka dhoofaaya Muqdisho iyo diyaarad gaara oo loosoo diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhoofi doonaan magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa dhoofka ku wehlin doona Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dowlada.

Madaxweynaha ayaa u dhoofi doona dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo uu ka helay casuumaad gaara, waxaana lagu wadaa in halkaa uu ku nagaan doono muddo Seddex cisho ah.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegaya in uu salka ku haayo xiisadda dhanka khaliijka ka taagan iyo sidii dowladda Imaaraadka uu kaga dhaacin lahaa go’aanka ay qaadatay Somalia.

Bilihii lasoo dhaafay ma wanaagsaneyn xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo Imaaraadka Carabta, waxa uuna safarkaani noqonayaa mid loo soo diray diyaarad gaara.

Geesta kale, waxaa magaalada Abu Dabai ku wajahan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo iyaguna casuumaad ka helay Dowlada Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com