Baangkok (Caasimada Online) — Isku dhacyo hubeysan ayaa ka dhex qarxay dalalka Thailand iyo Cambodia, kuwaas oo ka dhacay aagag xuduudeed oo muddo dheer lagu muransanaa, kuwaasoo si degdeg ah u sii huriyey xiisado bilooyin socday.
Dagaalka ayaa isugu jiray is-weydaarsi rasaas ah, duqeymo madaafiic ah, iyo gantaallo, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo dhinaca Thailand ah iyo hal qof oo Cambodia u dhashay, halka tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen. Waxa uu sidoo kale dagaalku sababay in tobannaan kun oo qof ay ka barakacaan guryahooda oo ku yaalla meel u dhow xuduudda. Dalka Thailand ayaa sidoo kale duqeymo dhinaca cirka ah la beegsaday Cambodia.
Waxa uu ahaa iska horimaadkii labaad ee hubeysan tan iyo markii askari reer Cambodia ah la toogtay bishii May, waana xaalad si weyn u sii cakirantay oo timid saacado kadib markii labada dal ay hoos u dhigeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed, taasoo ka dambaysay qarax miino oo ay ku dhaawacmeen askar Thai ah.
Milatariga Thailand ayaa Jimcihii sheegay in isku dhacyo ay ka dhaceen goobo dhowr ah oo ku teedsan xuduudda, meel u dhow afar gobol oo Thailand ah.
Halkan ka akhriso waxa laga ogyahay muranka u dhexeeya labadan dal ee deriska ah ee ku yaal Koonfur-bari Aasiya.
Sida uu muranku ku bilowday
Muranku wuxuu soo shaac baxay bishii May kadib markii ciidamada hubeysan ee Thailand iyo Cambodia ay si kooban rasaas isugu weydaarsadeen aag xuduudeed yar oo lagu muransan yahay, kaas oo dal walba uu sheegto inuu leeyahay.
Labada dhinacba waxay sheegeen inay is-difaacayeen. Waxaa halkaas ku dhintay hal askari oo reer Cambodia ah.
In kasta oo labada dal ay markii dambe sheegeen inay ku heshiiyeen in xiisadda la dejiyo, haddana mas’uuliyiinta Cambodia iyo Thailand waxay sii wadeen inay hirgeliyaan ama ku hanjabaan tallaabooyin aan dagaal toos ah ahayn, taasoo xiisadda sii kicisay.
Thailand waxay xayiraado adag kusoo rogtay xuduudda ay la wadaagto Cambodia, kuwaasoo joojiyey ku dhowaad dhammaan isu-gudubka dadka marka laga reebo ardayda, bukaannada, iyo dadka kale ee leh baahiyaha asaasiga ah. Maalintii Khamiista, mas’uuliyiinta Thailand waxay ku dhawaaqeen inay gebi ahaanba xirayaan xuduudda.
Cambodia ayaa sidoo kale mamnuucday filimada iyo barnaamijyada TV-yada ee Thailand, waxay joojisay soo dejinta shidaalka, miraha, iyo qudaarta laga keeno Thailand, waxayna qaadacday qaar ka mid ah xiriirrada internet-ka caalamiga ah iyo korontada ay ka hesho dalka deriska la ah.
Fadeexad ka dhacay Thailand
Dareenka waddaninimada ee labada dhinac ayaa xaaladda sii huriyey.
Ra’iisul Wasaaraha Thailand, Paetongtarn Shinawatra, ayaa xafiiska laga joojiyey 1-dii Luulyo si baaritaan loogu sameeyo eedeymo la xiriira ku xadgudub anshaxa oo ku saabsan sida ay u maareysay muranka xuduudda, kadib markii la dusiyey wada-hadal taleefan oo ay la yeelatay hoggaamiye sare oo reer Cambodia ah.
Wada-hadalkaas oo dhacay bishii Juun, Paetongtarn waxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Cambodia, Hun Sen, ugu yeertay “adeer,” waxayna dhaleecaysay hoggaanka milatariga Thailand, hadalladaas oo ay dadka dhaliilaa ku tilmaameen ixtiraam-darro ku ah madax-bannaanida qaranka.
Hun Sen waxaa xilka kala wareegay wiilkiisa Hun Manet sannadkii 2023-kii, laakiin weli saameyn ayuu leeyahay isagoo ah guddoomiyaha Aqalka Sare. Wuxuu saaxiib muddo dheer ah la ahaa aabbaheed, Thaksin Shinawatra, oo ahaa ra’iisul wasaare hore oo caan ah balse lagu kala qeybsanaa, laakiin xiriirkoodu wuxuu xumaaday muranka xuduudda dartiis.
Wada-hadalka la dusiyey wuxuu kiciyey caro ballaaran iyo dibadbaxyo. Isbahaysiga uu hoggaamiyo xisbiga Paetongtarn ee Pheu Thai ayaa sidoo kale daciifay markii xisbiga labaad ee ugu weyn isbahaysiga, Bhumjaithai Party, uu kala noqday taageeradiisii, isagoo sabab uga dhigay dabacsanaan loo arkay inay u muujisay dhinaca Cambodia.
Paetongtarn way ka cudurdaaratay, waxayna ku dooday in hadalladeedu ay ahaayeen xeelad gorgortan. Saaxiibkeed, Wasiirkii hore ee Difaaca, Phumtham Wechayachai, ayaa loo magacaabay ku-sime ra’iisul wasaare.
Sheegashooyinka xuduudda
Murannada xuduuduhu waa arrimo soo jireen ah oo sababay xiisado soo noqnoqda oo u dhexeeya labadan dal ee deriska ah. Thailand iyo Cambodia waxay wadaagaan xuduud dhuleed oo dhererkeedu ka badan yahay 800 oo kiiloomitir (500 mayl).
Sheegashooyinkan iska hor imanaya waxay inta badan salka ku hayaan khariidad la sawiray 1907-dii xilligii gumeysiga Faransiiska, taasoo loo isticmaalay in lagu kala saaro Cambodia iyo Thailand. Cambodia waxay khariidaddaas u isticmaalaysay tixraac ay ku sheeganayso dhul, halka Thailand ay ku doodayso in khariidaddu aysan sax ahayn.
Isku dhacyada ugu caansan uguna rabshadda badnaa waxay ka dhaceen agagaarka macbadka Preah Vihear oo jira 1,000 sano.
Sannadkii 1962-dii, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) waxay lahaanshaha madax-bannaanida aagga macbadka u xukuntay Cambodia. Xukunkaas wuxuu noqday mid si weyn u carqaladeeya xiriirka labada dal.
Cambodia waxay dib ugu laabatay maxkamadda sannadkii 2011, kadib isku dhacyo dhowr ah oo dhex maray ciidankeeda iyo kuwa Thailand, kuwaasoo ay ku dhinteen ilaa 20 qof, kumanaan kalena ay ku barakaceen. Maxkamaddu waxay xukunkii u danbeeyay ee Cambodia ay guushu ku raacday dib u adkeysay sannadkii 2013-kii.
Cambodia waxay mar kale u laabatay maxkamadda caalamiga ah si loo xalliyo murannada xuduudda, laakiin Thailand way diiday awoodda sharci ee maxkamadda.

