Muxuu Sheekh CALI WAJIIS ka yiri tallaabooyinkii uu qaaday Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishinka Universal.

Sheekh Cali Wajiis ayaa soo dhoweeyey Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in ka Culumo ahaan ay u duceyn doonaan, islamarkaana ay garab istaagi doonaan.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday tallaabooyinka uu qaaday Madaxweynaha cusub iyo xilalka uu magacaabay.

Sheekha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta la magacaabay ay yihiin dad u qalma xilalka loo dhiibay, wuxuuna boggaadiyey sida ay ku socoto dhismaha dowladda cusub.

“Dadka uu  xilalka hadda u magacaabay waa dad aad kafaa aad sar sare ah oo qof walba majaalkiisa loo xulay waxaan aad ugu diirsanay, una soo dhoweynay shaqsiyaadka siyaasiyiinta ah oo caanka ah, sida walaalkeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa la mid ah taliyaha NISA oo mardhow la magacaabay walaalkey Mahad oo nin culus ah,” ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu aad ugu amaanay Madaxweyne Xasan Sheekh shaqooyinkii uu horey uso qabtay, sida arrimaha deyn cafinta, mushaaraadka iyo dhanka shaqaaleysiinta.

“Afarta sano oo hadda ka hor soo haayey la dhihi karo inuu fariisiyey isagu, ileen waan ognahay nidaamka deyn cafinta isagaa bilaabay, hawada sare isagaa bilaabay oo marka dambe lagu guuleystay, wuxuu billaabay mushaaraadka, shaqaalihii dowladda isagaa ugu dambeeyey gadaashiis shaqaale rasmi ah lama qorin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Si kastaba Sheekh Cali Wajiis ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa taageerayaashii Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo horey u jeediyey hadallo uu ku difaacayey, kadib marar badan oo uu ka soo muuqday qalabka warbaahinta.