Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Turkiga, oo ah saaxiib soo jireen ah oo garab taagan Soomaaliya dhanka horumarka iyo amniga, ayaa markan dib u dhigtay lacagtii ay ku kabi jirtay miisaaniyadda dowladda federaalka, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumadda.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, oo la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa shaaca ka qaaday inaysan weli soo dhicin lacagtii sanadlaha ahayd ee Turkigu ugu talo-galay sanad-maaliyadeedkan, taasoo lagu qiyaasay $30 milyan.
“Turkiga wuxuu ahaa dal si joogto ah nooga taageera dhanka miisaaniyadda sanadihii la soo dhaafay; balse sanadkan taageeradii $30-ka milyan ahayd way dib-dhacday, loomana soo shubin waqtigii looga bartay,” ayuu yiri Wasiir Biixi.
Dib-u-dhacan ayaa dhaliyay su’aalo badan oo ku aaddan sababta keentay in Turkigu hakiyo taageeradiisa, maadaama uu yahay dal taariikh dheer ku leh garab-istaagga barnaamijyada horumarinta, amniga iyo gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda ma aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxay tilmaamtay inay xaaladda si dhow u la socoto.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia, ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintan ay la xiriirto oo kaliya dib u dhac, ayna filayaan in lacagta ay timaado horraanta 2026.
“Wax walaac ah kama qabno dhanka Ankara, arrintan waa dib u dhac kaliya, mana jirto sabab aan u walaacno, waxaan fileynaa in lacagta ay timaado horraanta 2026 Inshaa’Allah,” ayuu yiri ilo-wareedka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.
Xilli ay arrintani jirto, dowladda Soomaaliya ayaa culeyska saareysa kaalmooyinka kaga yimaada saaxiibada kale ee caalamiga ah, sida Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo dalal kale oo huwan ah, si loo sii wado adeegyada muhiimka ah ee dalka, loona maareeyo hawlaha maaliyadeed ee xukuumadda.
Wararkan ayaa ku soo beegmaya xilli Miisaaniyadda Guud ee Dowladda Federaalka, oo kor u dhaafeysa $1 bilyan, ay weli hortaallo Baarlamaanka, iyadoo ansixinteedu ay wajahday dib-u-dhac ka dhashay doodo iyo is-mari-waa u dhaxeeya xildhibaannada, taasoo sii cakireysa xaaladda dhaqaale ee dalka.
Falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa aaminsan in tallaabadan Turkiga ay culeys horleh ku noqon doonto nidaamka maaliyadeed ee dalka, kaasoo awalba la daalaa-dhacayay caqabado ka jira heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba.
Ku-tiirsanaanta kaalmada shisheeye ayaa ah astaan aan weli laga gudbin oo curyaamisay madax-bannaanida maaliyadeed ee Soomaaliya. Hakadka ku yimid kaalmada Turkiga ayaa daaha ka rogaya sida ay weli dowladda ugu nugushahay isbeddelada ku yimaada ballan-qaadyada dibadda, taasoo saameyn toos ah ku yeelan karta bixinta mushaaraadka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa ballanqaadday inay sii wadi doonto wada-hadallada ay kula jirto mas’uuliyiinta Ankara si loo xaqiijiyo soo-deynta dhaqaalahaas. Dhanka kale, dowladda ayaa sheegtay inay waddo dadaallo lagu xoojinayo dakhliga gudaha iyo hagaajinta qorsheynta maaliyadeed, si mustaqbalka loo yareeyo ku-tiirsanaanta deeqaha shisheeye.
Si kastaba ha ahaatee, Turkiga ayaa weli ah saaxiib istiraatiiji ah oo door weyn ku leh dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo mashaariicda gargaarka, in kasta oo dib-u-dhacani uu iftiiminayo caqabadaha haysta hannaanka isku-dubaridka kaalmooyinka caalamiga ah iyo joogteynta nidaam maaliyadeed oo deggan.

