Washington (Caasimada Online) – Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ka digtay in Donald Trump weerarradiisa shaqsiyadeed ee soo noqnoqonaya iyo hadallada ka dhanka ah bini’aadanimada ay hurinayaan jawi kicin kara qalalaaso siyaasadeed oo keeni kara cawaaqib xumo.
Iyadoo hadlaysay maalmo ka dib markii madaxweynuhu ku baaqay in dalka laga saaro, ayay Ilhaan Cumar sheegtay in luqadda kicinta ee Trump ay gaartay “meesha ugu xun ee qof bani’aadan ah uu gaari karo”, isla markaana uu dadka ku dhiirrigeliyo inay ficil sameeyaan.
“Waxaa jira dad loo xiray inay iigu hanjabeen inay i dilayaan,” ayay u sheegtay wargeyska The Guardian iyadoo ku sugan xafiiskeeda Washington.
“Waxaan haynaa dad lagu soo oogay dacwad ah inay iigu hanjabeen inay i dilayaan, waana wax maskaxdayada ku sii jira, laakiin waxaan sidoo kale ka walaacsanahay in dadkaas ay helaan qof aniga ii eg oo jooga Minneapolis ama dalka oo dhan, iyagoo moodaya inaan aniga ahay, oo ay waxyeello u geystaan,” ayay tiri Ilhaan.
Trump ayaa hadalkan ka sheegay xaflad u eg isu-soo-bax todobaadkii hore oo ka dhacday gobolka Pennsylvania, halkaas oo taageerayaashu ku dhawaaqayeen “dib u celi!” Kadib markii uu madaxweynuhu dabada ka riixay aragti aan sal lahayn oo ah in Ilhaan Cumar, oo Soomaali ah, ay walaalkeed guursatay si ay dhalasho Mareykan ah u qaadato.
Gabadhan ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, oo ku timid Mareykanka qaxoontinimo iyadoo da’deedu ahayd 12 jir, ayaa noqotay muwaadin markii ay gaartay 17 jir, waxayna ku tilmaantay go’aanka Trump mid “wax xun” iyo “caafimaad-darro” ah, isla markaana “qof lagu dhegto”.
Ilhaan, oo ka tirsan aqalka Koongareeska kana soo gasha gobolka Minnesota, ayaa sheegtay in weerarradu ay raaceen hab aan cusbayn. “Marka arrimuhu si fiican ugu socon waayaan isaga… anaaniyad ayaa shaqaysa,” ayay tiri, iyadoo ku eedaysay Trump inuu iska leexinayo guuldarradii uu ku waayay inuu wax ka qabto culayska dadka ka haysta nolosha. “Waa isla qorshihiisii, wuuna ku soo noqday; wax kale ma garanayo,” ayay tiri Ilhaan.
Wareysiga, oo sidoo kale qayb ka ahaa sayga Ilhaan Cumar, Tim Mynett, ayaa sheegay in hanjabaaduhu aysan ahayn kuwo cusub. Intii lagu guda jiray muddo-xileedkii ugu horreeyay ee Trump, wuxuu soo qaaday in dowladda federaalku ay uga baahatay lammaanahan inay helaan lix qof oo amnigooda ka shaqeeya, ka dib markii ay ogaadeen shirqool ka dhan ah iyada.
“Tani ma aha riwaayaddii ugu horreysay,” ayuu yiri Mynett. “Laakiin waa wax laga xumaado in la arko in tani ay tahay meesha hoggaamiyaha dalkeennu uu doonayo inuu u soo jeediyo indhaha qaranka.”
Booliiska Capitol-ka Mareykanka ayaa baaray 9,474 kiis oo ku saabsan hadallo iyo hanjabaad toos ah oo ka dhan ah xubnaha Congress-ka sannadkii 2024, taasoo ka badan laba jibbaar wadarta guud ee 2017. Sare u kaca ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jireen weerarro isdaba joog ah oo lagu hoobtay, oo ay ku jiraan dilkii Melissa Hortman oo ka mid ahayd sharci-dejiyeyaasha gobolka Minnesota iyo ninkeeda horaantii sanadkan.
Ilhaan ayaa ka hadashay, iyadoo u warramaysa The Guardian, xiriir toos ah oo ka dhexeeya waqtigii Trump ee xafiiska iyo rabshado siyaasadeed. Intii lagu guda jiray madaxtinimada Joe Biden, ayay tiri, hanjabaadaha dilka ee ka dhanka ah iyada “waxay noqdeen kuwo ku dhawaad eber”, ka hor intaysan mar kale soo kicin.
Sannadkii 2019, ka dib markii Trump uu weeraray iyada iyo Dimuqraadiyiinta kale ee horumarka leh ee loo yaqaan “Squad”, waxay heshay hanjabaad dil ah oo ka badan xubin kasta oo Congress-ka ka tirsan.
Trump ayaa sidoo kale sare u qaaday weerarrada ka dhanka ah Soomaalida Mareykanka ah, isagoo dhawaan ku tilmaamay “qashin”, halka Soomaaliyana uu ku sheegay inay tahay “dalka ugu xun adduunka”.
Ilhaan Cumar waxay ku eedaysay inuu bulshada oo dhan ku canaananayo kiisas musuq-maasuq ah oo gooni-gooni ah, iyadoo xustay in inta badan Soomaalida Minnesota ay heystaan dhalashada Mareykanka, qaar badanna ay ku dhasheen dalkaas.
Trump ayaa ku faanay inuu hakiyay socdaalka dadka ka imaanaya “meelo cadaab u eg sida Afghanistan, Haiti, Soomaaliya iyo dalal kale oo badan.”
“Anigu ma oran ‘kuwo xun’—idinkaa yiri,” ayuu Trump yiri ka dib markii mid ka mid ah taageerayaashiisa uu ku qayliyay ereygaas, iyadoo horay Trump uu ugu qeexay dalalka Afrikaanka intii lagu guda jiray muddo-xileedkiisii koowaad.
Ilhaan Cumar, oo Mareykanka iyadoo yar tagtay 1995-kii, ayay dhowr jeer erayo is dhaafsadeen Trump.
Trump ayaa sidoo kale mar kale ku celiyay in Ilhaan ay “si sharci-darro ah u guursatay walaalkeed.” “Waxay guursatay walaalkeed, si ay dalka u soo gasho, sax?” ayuu yiri.
Ma aha markii ugu horreysay ee uu Trump sheego in Ilhaan Cumar ay guursatay walaalkeed. Sheegashadan ah inay si sharci-darro ah u guursatay walaalkeed si ay u hesho dhalasho Mareykan ah ayaa markii ugu horreysay ka soo shaac baxday mareegayaasha muxaafidka ah sannadkii 2016, markaas oo ay u tartamaysay xildhibaanka gobolka Minnesota.
Isla sannadkaas, Ilhaan ayaa ku tilmaantay “xan aan sal iyo raad toona lahayn” oo “gabi ahaanba been iyo wax lagu qoslo” ah. Tan iyo markaas way sii wadday inay beeniso sheegashada.

