25.7 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

Muxuu Xamza ka yiri guusha ciidanka Jubaland iyo kuwa Danab?

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay guusha Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danab ay kasoo hooyeen dagaal saacado badan qaatay oo ay Al-Shabaab kula galeen magaalada xeebeedka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Xamza ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray ciidanka geesiyaasha ee jilibka u dhigay maleeshiyaadka soo weeraray magaaladaasi oo istaraatiiji ah, muddo dheerna laga difaacayay argagixisada.

“Waxaan boggaadinayaa sida aad weli baacsiga iyo sifeynta uga wadaan deegaannadii dirirtu ka dhacday” ayuu qoraalka ku yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iska caabinta ay muujisay geesinimada ciidanka iyo inay ka feejignaayeen khatarta cadowga, sidaasna looga hortegay.

Waxaa kale oo uu tacsi u diray askartii ku geeriyootay dagaalka, isaga oo kuwa dhaawac ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah, loona fidin doono gurmad deg-deg ah.

Weerarka fashilmay ayay Al-Shabaab u adeegsadeen qaraxyo, waxaase fashiliyay Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo xitaa gubay gaadiid ay lahayd kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Jubaland.

“Saddex gaari oo labo kamid ah ay saarnaayeen qoryaha suuga loo yaqaano ayay ciidamadu ka gubeen Khawaariijta, iyadoo sidoo kale khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu cadowga kasoo gaaray dagaalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Jubbaland.

Xaaladda Kudhaa ayaa maanta deggan, waxaana ka socda howlgallo amni xaqiijin ah oo lagu baacsanayo firxadka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

 

- Advertisement -

Read more

Local News