Muxuu madaxweyne XASAN ka yiri HESHIISKA milatari ee Soomaaliya iyo Mareykanka?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu saxiixayey heshiiska tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed oo ay kala sixiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in heshiiskan uu horseedaya in Dowladda Maraykanku ay kordhiso taageerada iyo tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxaa xarummo tababar iyo Ciidan laga hirgelinayaa Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in heshiiskan uu gacan ka gaysan doono dagaalka Al-Shabaab lagaga xoreynayo dalka.

“Heshiiskan waxa uu ka gacansiinayo dowladda Soomaaliya qorsheyaasha dib u habaynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo xaqiijinta amniga, waxa uuna faray xubnaha ka soo jeeda dhanka dowladda Soomaaliya ee guddiga isku-dhafka ah ee Labada dal in ay mudnaan weyn siiyaan fulinta heshiiska” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso tayeynta ciidanka sida-gaarka ah u tababaran ee Danab iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka Soomaaliya, isagoo xusay sida ay lafdhabarta ugu yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo howlgallada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Heshiiska waxaa Labada dowladood u kala saxiixay, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Xoghaye Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Maraykanka ee dhanka Amniga Marwo Bonnie Denise Jenkins.

Mareykanka ayaa horay saldhig waxuu ugu lahaa garoonka ciidamada Cirka ee Balli-doogle iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaas oo kasoo abaabulo howlgallo culus, sidoo kalena uu tababar ku siiyo ciidanka Danab.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka qayb qaatay dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale duqeymo cirka ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.