Muxuu xildhibaan C/risaaq ka yiri warbixintii M/Afrika?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna haatan xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka fal-celiyey warbixintii guddiga Midowga Afrika, kadib wareysi uu siiyey Radio Mustaqbal.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in warbixinta ka soo baxday Ururka Midowga Afrika ay tahay mid niyadjab weyn ku ah mustaqbalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay tani muujineyso wax-qabad la’aanta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee afarta sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna sheegay in madaxda muddo xileedkooda uu dhammaaday ay ka gaabiyeen filashadoodii hore.

Wasiirkii hore ee amniga gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in sidoo kale aan waxba laga qaban diyaarinta ciidamada Xoogga, si ay ula wareegaan amniga dalka.

“Warbixinta guddiga Midowga Afrika waxa ay niyadjab u tahay mustaqbalka Soomaaliya, afartii sano ee dowladda waxba lagama qaban diyaarinta Ciidanka la wareegaya mas’uuliyadda dalka,” ayuu yiri Mudane Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in ay fashilaad weyn tahay in dowladda ay ku guul dareysato la wareegida ammaanka dalka oo dhan  iyo qabashada doorashooyinka.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay jirto kalsooni la’aan lagu qabo ciidamada Soomaaliya, loona baahan yahay in lagu biiriyo AMISOM, sababo la xiriira kala shakiga u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

“Waa Fashilaad weyn in Dowladda Soomaaliya ku guuldareysato la wareegidda amniga, xitaa Doorashada laguma haleyn karo Ciidamada Soomaalida waxaa loo baahan yahay in lagu biiriyo Booliiska AMISOM,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Cabdirisaaq.

Warbixinta ka soo baxday guddiga Midowga Afrika ayaa waxaa si aad ah uga carooday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo si weyn loogu dhaliilay hoggaanka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ee 4-tii sano ee lasoo dhaafay.