Muxuu Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta ku arkay Muuqaalkii laga diyaariyay Abaaraha Somalia?

Qahira (Caasimada Online)-War goordhow kasoo baxaya Xafiiska Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Ahmed Abu Kheyd ayaa waxaa lagu sheegay inaanu garankarin sababta Dowladaha Carabta ay kaga gaabinayaan garab istaaga Somalia.

Xoghayaha ayaa sheegay in Dowladaha Carabta uu ugu baaqayo inay muujiyaan garab istaaga Somalia, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay kaalinta koowad ka galeyso Dowladaha la liita Abaarta.

Xoghayaha waxa uu Dowladaha Carabta ku booriyay inaan indhaha laga qabsan abaarta kusii faafeysa Somalia, waxa uuna tilmaamay in Abaaraha ay gaaren deegaano hor leh.

Wuxuu sheegay in Dowladaha Carabta iyo Hay’addaha Samafalka Carbeed in sida ugu dhaqsaha badan Gargaar Dhaqaale iyo Sahay Aadminimo u gaarsiiyaan dadka Soomaalida ee dhibaatadda kala kulmay Macluusha iyo Abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Somalia.

Maxamuud Cafiifi oo ah Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa sheegay in Xoghayaha uu aad uga xanuunsaday abaarta ka jirta Somalia, kadib markii uu helay muuqaal laga diyaariyay abaaraha.

Muuqaalka ayuu sheegay in Xoghayaha la ilmeeyay kadib markii uu arkay qoysas is dulsaaran oo ku dhamaaday abaaraha.

Cafiifi waxa uu intaa raaciyay in Xoghayaha Guud Ahmed Abu Kheyd uu la kulmay qaar ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka Carabta oo uu kala hadlay Xaalladda Macluusha ee ka jirta Somalia, kuna booriyey inay si ficil leh ugu gurmadaan Walaalaha Soomaalida ee dhibaataysan.

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, waxa uu ku baaqay inay DFS lala garab istaago Dhaqaale iyo Farsamo, si loo dhaqaajiyo Gurmadka la gaarsiinayo dadka macluulsan.

Haddalka iyo Baaqa kasoo baxay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa kusoo beegmaaya xili Dowladaha reer Galbeedka ay kusoo hormareen Gurmadka abaaraha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Qahira
Caasimada@live.com